26 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Kheyre oo sabab cajiiba u sameeyay kasoo tagitaankooda 120 Maxaabiis

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Xasan Khayre, ayaa ka hadlay sababta isaga iyo wafdigiisa ay uga soo tageen 120 maxaabiis Soomaali ah, oo Ethiopia ay ku wareejisay.

Kheyre ayaa sheegay in maxaabiistaasi ay dembiyo kala duwan ugu xiran yihiin xabsiyada ku yaala dalkaasi, isagoo xusay in badankoodu ku xiran yihiin Magaalada Jigjiga.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaa inaysan kasoo tagin Maxaabiista xoriyadooda dib u helay, waxa uuse sheegay in loo diri doono wafdi gaar ah.

Kheyre waxa uu cadeeyay inay wafdi u dirayan dalka Ethiopia, si ay dalka dib ugu soo celiyan 120 maxaabiis ee Soomaalida ah.

Waxa uu tilmaamay inaanu jirin sabab gaar ah oo ay uga soo tageen, balse caqabada ugu badan ay aheyd Maxaabiista oo aan u diyaarsaneyn safarka maadaama qaarkood ay xirnaayen dhowr sano oo xiriir ah.

Sidoo kale, waxa uu sabab ka dhigay inay muhiim tahay in si niyad leh ay Maxaabiista ugu diyaar garooban Safarka ay kusoo gaarayaan dalkooda.

Dowlada Ethiopia, ayaa horaantii toddobaadkan aqbashay in maxaabiistaasi ay ku wareejiso Dowladda Somalia.

Aqbalaada ayaa timid, ka dib heshiis ay labada dowladood ku wada gaareen Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Khayre, ayaa farta ku goday in maxaabiista ay dib u baari doonaan taariikhdooda, ka hor intii aanay u kala celin deegaanada ay ka soo kala jeedaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News