Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay dadaalka ay xukuumadiisa ugu jirto xal u helida colaadaha ka dhex aloosan beelaha Soomaaliyeed.
Kheyre waxa uu sheegay in dowlada ay xooga isugu geyneyso is horgeynta beelaha ay colaada u dhexeyso waxa uuna tilmaamay inay ahmiyad u arkaan in la xaliyo colaadaha taagan.
Kheyre waxa uu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo heshiisiin lahaa dadka colaada ka dhaxeyso ee ku sugan gobolada dalka iyo gobolka Banaadir.
Khayre ayaa sheegay in uusan dagaal ka dhaxeyn Shacabka Soomaaliyeed balse ay isdagaalsan yihiin Mas’uuliyiinta, ganacsatada iyo Siyaasiyiinta.
Docda kale, Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto sidii nabad waarta loo heli lahaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]