27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Khilaaf cusub: Guddiga Doorashada oo soo saaray go’aan yaab leh oo la xiriira doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa ka hor yimid go’aan ay soo saareen shalay guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa si cad loogu diiday in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Somaliland la qabanayo Sabtida 24-ka Bishan Disember, sida ay shaaciyeen Guddiga heer maamul ee Somaliland.

Qoraalka Guddiga uu madaxda ka yahay Cumar Dhegey ayaa lagu sheegay in go’aanka qabasahda doorashooyinka ay kaliya ku dhawaaqi karaan guddigooda sharcina u leeyihiin oo aanay jirin cid kale oo waqti u qaban karta Doorashada.

Aarrintan mar kale muujineysa isku dhex yaaca ka jira Doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan xubnaha Aqalka Sare ee loo qoondeeyay Somaliland.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in doorashada Aqalka Sare ee xubnaha Somaliland ay weli u xayiran tahay maamulka Puntland oo weli aan laga qancin arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News