28.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Khilaaf soo kala dhex-galay xubnaha JSP iyo Madaale oo qaylo dhaan afka furtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa maanta qayl dhaan afka furtay, isaga oo bannaanka usoo saaray khilaaf ka dhex-taagan xubnaha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaale ayaa si cad uga horyimid in Muungaab uu noqdo musharraxa xisbiga ee guddoomiyaha gobolka Banaadir, uuna ku metalo doorashooyinka ka dhacaya caasimada.

Guddoomiyihii hore ayaa ku dooday in Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka uu leeyahay xeer hoosaaD iyo nidaam doorasho oo xisbiga dhexdiisa, balse la hareer maray.

“Waxaa ii muuqaneyso cadaaladdii xisbiga aan ku dhawaaqnay ee aan magaca ka dhiganay iyo doorashadii aan dadka u sheegeynay ayaa mugdi soo galay, Soomaalidu waxay tiraahdaa koba tole kobihiisa ayaa la fiiriyaa” ayuu yiri guddoomiye hore Madaale.

Sidoo kale, wuxuu dhaleeceyn u jeediyay Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah ku xigeenka xoghayaha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka oo isagu shalay goob fagaare ah uga dhawaaqay in musharraxooda gobolka Banaadir uu yahay guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

“Waxaa nasiib darro ah in ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga JSP in meel olole uu ka socdo uu ku dhawaaqo musharraxa Xisbiga JSP ee gobolka Banaadir, Xisbiga JSP waxa uu leeyahay xeer hoosaad doorasho” ayuu mar kale yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo sidoo kale xalay la faafiyay warsaxaafadeed lagu amaanay waxqabadka Muungaab, laguna caddeeyay inuu yahay musharraxa gobolka ee Xisbiga JSP

“Intii uu xilka hayay, wuxuu dib u dhisay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo sutada u dhigay saldhig adag oo maamulka iyo adeegyada ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu lasii raaciyay “Ku soo noqoshadiisa xilkan mar kale ayaa lagu tilmaamay mid xoojisay qorshaha dowladda ee ah in la helo hoggaan karti, waayo-aragnimo, iyo kalsooni bulsho leh. Muddadii uu xilka hayay, Dr. Muungaab wuxuu ku guuleystay inuu si muuqata u dhaqaajiyo mashaariic horumarineed, dib-u-habeyn adeegyo dadweyne, iyo qorsheyaal lagu soo celinayo sumcadda Muqdisho ay ku lahayd dunida”.

 

- Advertisement -

Read more

Local News