25.2 C
Mogadishu
Wednesday, February 4, 2026

Daawo: Kiiska Farxiyo Fiska iyo Mubaarak Oktoobar oo gaaray meel xun

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Fanaanada caanka ah ee Farxiyo Axmed Cadaawe Geedi (Farxiyo Fiska) oo wareysi xasaasi ah bixisay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay jir-dil xooggan oo uu dhawaan u gaystay Seygeeda Mubaarak Axmed Yuusuf (Oktoobar) oo isna ah Fannaan kale oo da’yar ah.

Farxiyo Fiska ayaa sheegtay in uu u gacan seygeeda, isla markaana uu gaarsiiyay dhaawacyo daran oo illaa hadda ku yaallo jirkeeda.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in qol uu kusoo xiray, isla markaana muddo afar saacadood ah oo xiriir ah uu dilayay, sidoo kalen uu ceeji u gaystay.

Waxaa kale oo ay carabka ku dhufatay in ‘ujeedkiisa uu ahaa in uu dilo, balse uu Alle ka badbaadiyay shirqoolkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxa i soo gaaray wax yar ma aha, filan waa ayay igu noqotay. Korkeyga meel fayoow ma leh”, xitaa wuu i ceejiyay oo wuxuu rabay inuu nafta iga qaado oo ilaa hadda dhuunta way i xanuuneysaa”, ayay tiri Farxiyo Fiska.

Dhanka kale, wax ay sheegtay in haatan ay maxkamad la tiigsatay, isaguna uu hadda damaanad ku joogo banaanka, balse uusan ka bixin karin guriga.

“Meesha uu ugu dilay waa Somaliland, waana waddan sharci leh maxkamaddu waa noo socotaa, mana aha middaan mid lagu kala hari doono” ayay raacisay.

Kiiskan ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan oo qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana soo farogeliyay fannaan kale oo garab istaagay Fiska.

- Advertisement -

Read more

Local News