29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Kiiska ninka Turkiga ee bah-dilka ka wada garoonka Adan Adde oo weji cusub yeeshay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan cabasho xooggan oo ka dhalatay dhacdooyin is-daba joog ah oo la sheegay inay yihiin xadgudubyo lagula kacay dad Soomaaliyeed oo safar ah, kuwaas oo uu sameeyay mid ka mid ah maamule sare oo ka tirsan Shirkadda Turkish Airlines.

Kiiska ayaa haatan yeeshay waji cusub, wuxuuna gaaray illaa heer Maxkamad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Warqadda oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa lagu sheegay in Xeer Ilaalintu ay bilowday baarista dhacdooyinkan, gaar ahaan cabasho kasoo yeertay mid kamid ah dadkii la kulmay bahdilka ee laga reebay diyaaradda Turkish Airlines oo ka baxaysay Muqdisho.

Xafiiska ayaa sheegay in ay soo gaareeyn warbixinno muujinayo tacadiyo uu gaystay  maareeyaha xafiiska Turkish Airlines ee Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo Turahan Kenmen, waxayna Xeer Ilaalintu sheegtay in ay guda geli doonto kiiskan oo Maxkamad gaaray.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaa soo gaaray warbixin dambe oo sheegeysa in muwaadin lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Xuseen, si ula kac ah loogu sameeyay ku-takrifal awoodeed, laguna tacadiyay xaquuqdiisa dastuuriga ah, lagana reebay diyaaradda Turkish Airlines isaga oo safar ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

“Cabdifitaax ayaa ka cabanaya in Turahan Kenmen oo ah maareeyaha xafiiska Turkish Airlines (Station Manager) ee Soomaaliya uu yahay qofka kula kacay ku-takrifal awoodeed” ayaa mar kale warbixinta

Waxaa kale oo intaasi lasii raaciyay “Xafiisku waxa uu furay gal-dacwadeed, waxa uuna bilaabay baarista kiiska, xafiiska marka uu soo gabagabeeyo baarista waxa uu qaadi doonaan tallaabada sharciga ah ee ku haboon” ayaa mar kale lagu yiri warqadda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee dhammaan dadka ku nool Soomaaliya.

Turahan Kenmen ayaa indhowaanahan lagu eedeynayay inuu adeegsanayay awood ballaaran oo aan lala xisaabtamin oo ku aaddan go’aamada diyaarad raacista, taasoo keentay in qaar ka mid ah dadkii safarka ahaa ay ku xayirmaan, ay lacagtoodii ka khasaarto, ayna la kulmaan bahdilaad.

Sida ku xusan warbixinno kala duwan oo ay wadaageen rakaab iyo dad goob joog ahaa, maamulaha ayaa la sheegay inuu muwaadiniin Soomaaliyeed u diiday inay diyaaradda raacaan, uu amar ku bixiyay in la xiro iyadoo aan la siin sharraxaad cad, uuna diiday inuu u jaro tikidho beddel ah.

Dadka ay arrintani saamaysay waxay sheegeen in dhacdooyinku ay u gaysteen khasaare maaliyadeed iyo dhibaato nafsi ah — ayna u muuqato in si gaar ah loo beegsanayo Soomaalida oo keliya.

Si kastaba, Shirkadda Turkish Airlines ayaa waxa door udub-dhexaad ah ka qaadatay dib isugu xiridda Muqdisho iyo caalamka intiisa kale, iyadoo duulimaadyadeeda loo arko inay yihiin halbowle muhiim ah oo isku xira Soomaaliya iyo caalamka. Balse, dhacdooyinkan dhowaan la soo warramay waxay muujinayaan in Soomaalida qaarkood, helitaanka halbowlahaas muhiimka ah ay ku timaaddo qiimo ah bahdilaad fagaare ah — waana tanaasul ay dad badani hadda leeyihiin waa mid aan la qaadan karin.

- Advertisement -

Read more

Local News