Kiiska sarkaal Israa’iili ah oo fadeexad culus ka abuuray Mareykanka kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Isniintii beenisay inay wax door ah ku lahayd sii deynta sarkaal Israeli ah oo lagu eedeeyey inuu internet-ka u adeegsaday inuu fal galmo ah ka dalbado qof aan qaan-gaarin.

Tom Artiom Alexandrovich wuxuu ka mid ahaa sideed qof oo toddobaadkii tegay dacwado lagu soo oogay, kadib hawlgal gaar ah oo lagu daba-galayey “shakhsiyaadka carruurta ugaarsada si ay ugu xadgudbaan galmo ahaan,” sida ay war-saxaafadeed ku sheegeen Booliska Magaalada Las Vegas.

Sida ku cad diiwaannada Gobolka Nevada oo ay eegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Alexandrovich waxa uu wajahayaa dacwad dembi culus ah (felony charge) oo ah “adeegsiga teknoolojiyadda kombiyuutarka” si uu isugu dayo inuu cunug yar ama qof dhimirka ka xanuunsan u horseedo fal galmo ah.

Saxaafadda Israel ayaa ku warrantay in Alexandrovich, oo ay ku sifeeyeen agaasime sare oo ka tirsan Hayโ€™adda Qaranka ee Amniga Internet-ka (Israel’s National Cyber Directorate), ay sii daayeen saraakiisha Maraykanka, uuna hadda ku laabtay dalkiisa.

Wakaaladda Reuters ma aysan xaqiijin karin sababta Alexandrovich uu ugu sugnaa Las Vegas, balse xilligaas magaalada waxaa ka socday shirka Black Hat, oo ah mid ka mid ah shirarka ugu waaweyn ee ay isugu yimaadaan khubarada amniga internet-ka.

Warka sheegaya in sarkaal Israeli ah oo wajahaya dembi culus oo galmo ah loo oggolaaday inuu dalkiisa ku laabto ayaa kiciyey hadal-heyn weyn iyo mala-awaal xooggan oo ka dhashay baraha bulshada.

Dadka Mareykanka qaarkood ayaa tani ku tilmaamay astaan kale oo muujineysa awoodda Israaโ€™iil ama Yahuudda ay ku leeyihiin gudaha Mareykanka, oo xitaa midkooda dambiga gala ama lagu tuhmo aan sharciga la marsiin karin, waxayna tuhmeen in Dowladda Federaalka ay soo faro-gelisay kiiskan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Isniintii qoraal ay soo dhigtay barta X ku tiri: “Alexandrovich ma uusan dalban xasaanad diblomaasiyadeed, waxaana sii daayay garsoore maxkamad gobol, isagoo sugaya dhageysigiisa xiga. War kasta oo sheegaya in dawladda Maraykanku ay soo faragelisay arrintan waa waxba kama jiraan.”

Diiwaannada maxkamaddu waxay muujinayaan in $10,000 oo dammaanad ah lagu bixiyay Xarunta Xabsiga Henderson, 7-dii August. Alexandrovich waxaa maxkamadda looga yeeray 27-ka August. Reuters ma aysan xaqiijin karin halka uu ku sugan yahay iyo xogta lagula xiriiro toona.

Safaaradda Israel ee Washington iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel midkoodna kama uusan jawaabin farriimo la xiriira dhacdadan. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Israel ayaa soo xigatay xafiiska oo dafiray in Alexandrovich la xiray, kuna gaabsaday in “shaqaale dawladeed” ay “su’aalo weydiiyeen mas’uuliyiinta Maraykanku” uuna “ku laabtay Israel sidii loo qorsheeyey.”

Reuters weli ma aysan helin macluumaad rasmi ah oo ku saabsan duruufaha loo xiray Alexandrovich.

War-saxaafadeedka booliska Las Vegas ayaa lagu bogaadiyey hawlgalkan hay’adaha kala ah Hay’adda Dambi-baarista ee Federaalka (FBI), Booliska Henderson, Booliska Waqooyiga Las Vegas, iyo Waaxda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security).

Dhammaan hay’adahaas midkoodna kama uusan jawaabin codsiyo loo diray oo ku saabsanaa xarigga ama sii deynta Alexandrovich. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Nevada ayaa su’aalaha dib ugu gudbiyey Waaxda Booliska Henderson.ย 

- Advertisement -

Read more

Local News