Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta guda gashay kiis xasaasi ah oo la xiriira rag loo haysto inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana kasoo muuqday nin odey ah oo Nabadoon ah, kaas oo taleefankiisa gaarka ah laga helay ‘lambarada xubno halis ah oo ka tirsan Al-Shabaab’ iyada oo mid kamid ah ay ugu qorneyd “Naagta Sacuudiga” arrintaas oo dhalisay hadal-heyn xoogleh.
Nabadoonka lasoo eedeeyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Diini Xasan Axmed Hilowle, wuxuuna ka mid yahay 135-ta oday ee u diiwaangashan wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, iyada oo loo haysto inuu ahaa basaas ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena gabaad siin jiray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee yimaada Muqdisho.
Kiiskan ayaa waxaa hormuud u ah Maxamed Deeq Axmed Jeelle oo magaciisa afgarshadu yahay (Xidig), kaas oo ah farsamaqaan qaraxyada u sameyn jiray Al-Shabaab, waxaana sidoo kale dhalay horjooge ka tirsan kooxda oo fadhiya Maktabka Dabagalka, sida ay sheegtay xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo soo bandhigtay caddeymo waa wayn.
Xidig oo soo galay gacanta dowladda ayaa kasoo shaqeeay meelo kala duwan, illaa dalka Kenya oo uu geeyay qaraxyo, sida laga hor sheegay Maxkamadda Ciidamada oo baahisay muuqaallo ay ku jiraan macluumaad dheeraad ah iyo dukumintiyo muhiim ah.
Eedeysanaha ayaa hadda laga qabtay Muqdisho dhexdeeda, wuxuuna la noolaa Nabadoon Diini Xasan oo isna hadda eedeysane ah, kana soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, walow uu dafiray dhammaan eedaha waa wayn ee loo soo jeediyay.
Nabadoonka ayaase qirtay inuu aqoon u leeyahay Xidig, ayna qaraabo yihiin, sidoo kalena uu garanayo Aabihiis oo hadda ah horjooge sare oo weli jira dhanka Al-Shabaab.
“Axmed Jeelle waxaa igu dambeysay 2016-kii wuu isoo wacay markii la xiray wiilka, qaarabada waa iska war haysaa anne waa maqlay in la xiray, wuxuu igu yiri wiilkeyga ayaa xiran odayaasha qaraabada ah waxaa ka codsanayaa inay wiilka raadiyaan” ayuu yiri Diini.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lambarkeyga waxaan aaminsanahay oo hadda ay hay’adda NISA iigu timid canugan ayaa la wareystay oo yiri adeerkey waayay nabadoonkeyga waayay sidaas in laygu soo xiray”.
Intaas kadib xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay caddeymo ay hayso, waxaana ku jiray lambaro laga helay taleefanka Nabadoonka, kuwaas oo ay ugu qornaayeen magacyo yaableh, sida “Naagta Sacuudiga” isaga oo sheegay inay tahay gabar uu shukaansado oo Sacuudiga ka timid, balse uu ka qarinaayay xaaskiisa, si aysan uga maseerin, sida uu ku dooday.
“Lambarka waxaa ku qoran naagtii Sacuudiga gabar aan shukaansaday weeye xaaskeygana inay joogtaa laga yaabaa gabadhaas Suuq Liif ayay joogtaa naagtaas waa la wici karaa xitaa ama waa loo tagi karaa” ayuu yiri Nabadoonka loo haysto Shabaabnimada.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Naagta Sacuudi ayay ka timid aniga waxaa ugu talagalay inaan isku qariyo, maadaama aan xaas leeyahay”.
Dhankale, xeer ilaalinta Maxkamadda oo ka hortimid arrintan ayaa sheegtay in lambarada kale ee laga helay taleefankiisa uu ku jiro nin lagu magacaabo Abuu Hani oo isna odey ah, kaas todobaadkii hore lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay inuu la shaqeyn jiray Shabaab, isla markaana raggooda is qarxiya uu gayn jiray bartilmaameedyada ay rabaan ee magaalada Muqdisho, sida hoteellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah.
Kiiskan yaabka leh ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, waxaana dadka ay ka fal-celiyeen arrinta “Naagta Sacuudiga” ee hareysay doodda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Garyaqaan Yaasiin Yare: “Odey Diini kiiska loo heysto waxaa kaga daran islaanta uu qabo, haddii la deeyo odeyga wuxuu sii wajihi doonaa su’aalo la xiriira naagta Sacuudiga.”
Cabdixakiin Maxamuud: “Odeyga 2 baxar ayuu isku dul galay maxkamada Shuute kadib maxkamada naagtaada isku diyaari”.
Xamdiya Abshir: “Shuute haddii uu ka badbaado maxkamad kale sugee odeyga fuusto iska riixay mid kale neh wuu isku soo riixay islaanta Sacuudiga kulahaa”.
Cabdisalaan Qoorsool: “Laba daran mid dooro weeye !!Balse wuxuu door biday intii xabsi la gelin lahaa, inuu xaasaskii uu kala qarin jiray sheego!!”.

