27.8 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Magaalada KISMAAYO oo xaalad kale gashay caawa (Faah-Faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wariyaal ku sugan magaalada oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in bandowga uu billowday wixii ka dambeeyay 6-dii maqribnimo ee caawa.

Magaalada ayaa lagu arkayay ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo howllo roondeyn ah ka waday xaafadaga magaalada, sidoo kale waxaa la xiray goobaha  ganacsiga ee magaalada, isla markaana waxaa la joojiyay dhaqdhaqaaqa dadwaynaha iyo isu-socodka gaadiidka.

Si kastaba, ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay bandowga caawa lagu soo rogay magaalada Kismaayo, balse waxaa jirra warar sheegaya in caawa la filaayo in uu Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba in uu magacaabo golaha wasiirrada ee maamulkiisa.

Magaalada Kismaayo waxaa maalmahan ku qulqulayay siyaasiyiin iyo wax garad kusoo u ololeenaya dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Warar dheeraad ah naga filo goordhow in shaa allah.

- Advertisement -

Read more

Local News