27.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 20, 2025

Koofi oo soo bandhigay 4 qodob oo mucaaradka iyo Xasan Sheekh isku hayaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Madasha Samatabixinta, ahna musharrax madaxweyne dowlad-goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Koofi oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa mucaaradka iyo Villa Somalia, wuxuuna soo bandhigay 4 qodob oo illaa iyo hadda ay isku hayaan labada dhinac.

Koofi ayaa marka hore faah-faahin guud ka bixiyay fashilka ku yimid wada-hadalladii mucaaradka iyo madaxweynaha, wuxuuna eedda ugu wayn ee fashilka dhabarka u saaray kooxda Villa Somalia, isaga oo sheegay inay ka socon waayeen wada-hadallada.

“Madaxweynaha iyo team-kiisa mar walba waxay taagnaayeen meel aan xalku ku imaan karin, kulankii ugu dambeeyay aan yeelanay 13-kii bishana wuxuu kusoo dhamaaday in aan wax natiijo ah laga gaarin dadaalkii la baxay” ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi.

Sidoo kale, wuxuu soo bandhigay 4 qodob oo dhaliyay in wada-hadalladu lagu kala tago, kuwaas oo la xiriira doorashada iyo dastuurka, wuxuuna tilmaamay in madaxweynuhu diiday in lagala hadlo.

“Madaxweynaha ma rabo in laga hadlo doorashada, boobka hantida qaranka, wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo qancinta gobollada maqan” ayuu sii raaciyay.

Maxamed Aadan Koofi oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in mucaaradka ay si weyn uga niyad-jabeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweynaha, gaar ahaan inta u socdeen wada-hadallada, sida inuu isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah iyo inuu dagaal ku qaaday gobolka Gedo.

“Anaga oo u ballasan in doorashada laga wadahadlo oo laga wadahadlo dastuurkii la beddalay oo aan ka sugeyno inuu ku dhawaaqo inuu ka laabtay beddalkii dastuurka lagu sameeyay ayaanu ka war helnay madaxweynihii oo isdiiwaangeliyay, doorashana ku dhawaaqay” ayuu yiri xoghayaha guud ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo horay bayaan culus usoo saaray ay ku dhawaaqeen inay burbureen wada-hadalladii ay kula jireen madaxweynaha, taas oo sare  qaaday xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News