26.8 C
Mogadishu
Saturday, March 28, 2026

Koox xiriir la leh Iran oo jabsaday email-ka agaasimaha FBI-da Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Koox jabsadeyaal ah (hackers) oo lala xiriiriyo dalka Iiraan ayaa Jimcihii sheegtay inay jabsadeen iimaylka shakhsiga ah ee Agaasimaha Hay’adda FBI-da, Kash Patel, iyagoo internet-ka ku baahiyay sawirro iyo dukumiintiyo la xiriira agaasimaha.

Barta ay internet-ka ku leeyihiin kooxdan oo lagu magacaabo Handala Hack Team ayaa lagu qoray in Patel “uu hadda magaciisa ka dhex heli doono liiska dadka sida guusha leh loo jabsaday.”

Jabsadeyaasha ayaa baahiyay sawirro shakhsiyadeed oo isdaba-joog ah, kuwaas oo muujinaya Patel oo cabbaya sigaarka waaweyn (cigars), wata gaari duug ah oo saqafka furan, iyo isaga oo sawir iska qaadaya isagoo gacanta ku haya dhalo khamri ah.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Caddaaladda Mareykanka (Justice Department) ayaa xaqiijiyay in la jabsaday iimaylka Patel, isaga oo intaas ku daray in xogta lagu baahiyay internet-ka ay u muuqato mid dhab ah, inkastoo baaritaan weli socdo.

Hay’adda FBI-da ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiyo warbaahineed oo la xiriira arrintan. Qaar ka mid ah xogta ay baahisay kooxda Handala ayaa u muuqata isku-dhaf fariimo shaqsi ah iyo kuwo shaqo, kuwaas oo taariikhdoodu u dhexeyso sanadihii 2010 ilaa 2019.

Kooxda Handala, oo isku tilmaanta inay u doodayaan Falastiin isla markaana ah jabsadeyaal u dhaqma sidii ciidan difaac, ayaa cilmi-baarayaasha reer Galbeedku u arkaan inay ka mid tahay kooxo dhowr waji leh oo lala xiriiriyo unugyada sirdoonka internet-ka ee dowladda Iiraan.

Kooxdan ayaa sidoo kale dhowaan sheegatay inay jabsadeen shirkadda qalabka caafimaadka ee Stryker oo fadhigeedu yahay gobolka Michigan, iyagoo sheegay inay tirtireen xog aad u badan oo shirkaddu lahayd, inkastoo shirkaddu aysan si buuxda u xaqiijin khasaaraha la sheegay.

Si kastaba, ciwaanka gaarka ah ee Gmail-ka ee ay Handala sheegtay inay jabsatay ayaa la mid ah ciwaan horay loola xiriiriyay Patel intii lagu guda jiray xog-jabsiyo hore oo lagu baahiyay mareegaha xogaha la xaday ee internet-ka madow.

- Advertisement -

Read more

Local News