Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno tuulada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Daacish ay la wareeegeen deegaankaasi.
Deegaanka oo qiyaastii 75 km u jira magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa la wareegay ciidamada Daacish daabacsan, waxaana la sheegay in ciidamo taabacsan Puntland aysan ku sugneyn deegaankaasi.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan la wareegitaanka ciidamada Daacish ay la wareegeen deegaanka Qandala ee gobolka Bari.
Ku dhawaad 80 dagaal yahan oo uu horkacayo Sheikh C/qaadir muumin ayaa la rumeysan yahay iney la wareegeen deegaanka.
Deegaanka oo muhiimadiisa gaar ahaaneed leh ayaa ku yaala dhul xeebeed ka tirsan gobolka Bari.
La soco waxii kusoo kordhaa insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Bari
[email protected]