Cadan (Caasimada Online) – Kooxaha gooni-u-goosadka ah ee Koonfurta dalka Yemen, kuwaas oo taageero ka hela dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inay qaban doonaan afti dadweyne oo ku saabsan madax-bannaanida Koonfurta, xilli ay socdaan dagaallo dhiig ku daatay oo u dhexeeya iyaga iyo Sacuudiga oo garabsanaya xulafadiisa Yemen.
Golaha KMG ah ee Koonfurta (STC) ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan xilli kala guur ah oo soconaya labo sano, kaas oo ay qayb ka tahay qabashada afti lagu dhawaaqayo dowlad madax-bannaan, tallaabadan oo timid kadib markii ciidamadoodu ay bishii Diseembar la wareegeen dhul ballaaran oo ka tirsan koonfurta dalkaas.
“Waxaan ku dhawaaqeynaa billowga xilli kala guur ah oo qaadanaya laba sano, Goluhuna wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inay dammaanad ka noqoto wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada ay khuseyso ee Koonfurta iyo Waqooyiga,” ayuu yiri mMadaxweynaha STC, Ceydaruus Al-Zubeydi, oo ka hadlayay telefishinka.
Si kastaba ha ahaatee, Al-Zubeydi wuxuu ka digay in kooxda ay madax-bannaani “degdeg ah” ku dhawaaqi doonto haddii aan la helin wada-hadal ama haddii Koonfurta Yemen ay markale la kulanto weerarro.
“Bayaankan dastuuriga ah wuxuu si toos ah u dhaqangeli doonaa isla markiiba ka hor waqtigaas haddii aan baaqa la dhageysan, ama haddii shacabka Koonfurta, dhulkooda, ama ciidamadooda ay la kulmaan wax weerarro ciidan ah,” ayuu raaciyay.
Afhayeenka STC, Anwar al-Tamimi, ayaa markii dambe u sheegay Al Jazeera Mubasher in tallaabada aftida loo qaadayo ay waafaqsan tahay sharciga caalamiga ah, isagoo yiri: “Bayaankan waa la diyaariyay iyadoo aan loo eegin dhaqdhaqaaqyada ciidamada Gaashaanka Qaranka (National Shield) iyo la wareegidda ay la wareegeen xarumo dhowr ah.”
Sida uu qoray wargeyska Asharq Al Awsat, ciidamada Gaashaanka Qaranka oo ay dowladdu taageerto ayaa Jimcihii la geeyay gobolka Xadramuut ee bariga Yemen, si ay uga hortagaan wax ay ku tilmaameen fallaagonimo kaga imaanaysa cutubyo ka tirsan STC. Balse, ciidamadan ayaa la kulmay weerar jidgal oo dhowr ah, taas oo keentay in isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ay soo diraan diyaaradahooda dagaalka.
Guddoomiyaha gobolka Xadramuut, Saalim Al-Khanbaashi, ayaa ugu baaqay kooxda STC inay hubka dhigaan. “Waxaan dib u xoojineynaa caddaaladda qadiyadda Koonfurta, anagoo diideyna waddada gacan ku haynta ciidan iyo iska hor imaadka, waxaana ku baaqeynaa wada-hadal inuu noqdo dhabaha lagu soo celinayo xuquuqda,” ayuu yiri Jimcihii.
Khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraadka
Sacuudi Carabiya ayaa horraantii toddobaadkan duqeymo cirka ah ka fulisay goobo ay haysteen STC oo ku yaalla koonfurta bari ee Yemen. Maalintii Talaadada, diyaaradaha Sacuudiga ayaa duqeeyay dekedda Al-Mukalla, iyagoo beegsaday shixnad hub ah oo xiriir la leh Imaaraadka oo loo waday STC.
Duqeyntaas ayaa dhalisay is-weydaarsi diblomaasiyadeed oo aad u kulul oo aan hore loo arag oo dhex maray Riyadh iyo Abu Dhabi.
Jimcihii, ugu yaraan 29 dagaalyahan oo ka tirsan STC ayaa la dilay in ka badan 20 kalena waa la dhaawacay, sida uu wakaaladda AFP u sheegay sarkaal milateri oo ka tirsan kooxdaas, kadib markii diyaaradaha Sacuudiga ay duqeeyeen xeryo ay leeyihiin STC oo ku yaalla Xadramuut.
Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamo ay Riyadh taageerto ay qaadeen duullaan ay dib ugu soo ceshanayaan dhulkii ay STC qabsadeen bishii Diseembar. Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageerta Golaha Hoggaanka Madaxtooyada, oo ah dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.
Dalka Yemen ayaa fowdo galay kadib markii Xuuthiyiintu qabsadeen caasimadda Sanca toban sano ka hor. Xuuthiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa gacanta ku haya inta badan waqooyiga dadku ku badan yahay ee Yemen.
Bishii Diseembar, ciidamada STC waxay qabsadeen dhul ballaaran oo koonfurta Yemen ah. Jawaab ahaan, Sacuudiga ayaa abaabulay xulafadiisa, oo ay ku jiraan Isbaheysiga Qabiilada Xadramuut iyo maleeshiyaad lagu magacaabo Gaashaanka Qaranka, si ay dib ugu riixaan STC.
Dagaalkan ayaa banaanka soo dhigay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ah laba quwadood oo Khaliijka ah, islamarkaana ah xulafada Mareykanka. Labada dal ayaa toban sano ka hor soo farageliyay Yemen si ay u ridaan fallaagada Xuuthiyiinta, balse ku guuldareystay.
Dhawaanahan, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku kala aragti duwanaaday arrimaha Yemen iyo Suudaan, iyagoo sidoo kale siyaasado kala duwan ka qaatay dagaalka Israa’iil ee Gasa iyo dowladda Axmed Al-Sharaa ee Suuriya.
Ku dhawaaqista aftida ee STC ayaa imaaneysa kadib markii Israa’iil ay si dhinac kaliya ah u aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan. Somaliland ayaa xiriir qoto dheer oo dhanka ciidanka iyo siyaasadda ah la leh Imaaraadka. Si ka duwan dalalka kale ee Carabta, Abu Dhabi ma aysan cambaareyn go’aanka Israa’iil.

