26 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay haweeney ganacsato ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Kooxo hubeysnaa ayaa goordhow toogasho ku dilay Haweeney la sheegay inay aheyd Ganacsato.

Dilka Haweeneydaani ayaa ka dhacay Suuqa lagu Magacaabo Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Haweeneydaani la dilay oo kamid ahey Dumarka ku ganacsada Suuq Bacaad ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hooyo Aamino Maxamuud Axmed.

Dilka Haweeneydaani ayaa waxaa fuliyay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolada kuwaa oo la sheegay in dilka kadib ay ka baxsadeen Goobta uu falka ka dhacay.

Dilka Haweeneydaani ayaa noqonaaya kii Seddexaad oo gudaha Asbuucaani ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo dilalka noocaani ah aysan ka hadal Hay’adaha amaanka Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News