Kormeerayaasha wasaarada waxbarashada DF oo laga soo ceeriyey HirShabeelle

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya inuu dhaqan galay amar madaxweyne Waare uu kusoo rogay shaqaalaha wasaaradda iyo kormeerayaasha  ilaalinayay imtixaanadkii la joojiyay oo ahaa inay isaga baxaan deegaanada maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kormeerayaasha ay isaga soo baxeen magaalooyinka Jowhar, Beledweyne, Balcad iyo Buulo-barde, waxaana ay kusoo laabteen magaalada Muqdisho, sida xubno maamulka ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Xubnahaan ayaa madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare wuxuu ku eedeeyay inay ku fashilmeen ilaalinta iyo dhowridda howlihii loo xilsaaray, waana maamulkii ugu horeeyay oo ay kasoo baxaan kormeerayaasha ka socday wasaaradda waxbarashada.

Kadib Joojintii wasaarada waxbarashada ay ku dhawaaqday inay joojisay Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare waxaa madaxweyne Waare uu amar ku bixiyay in kormeerayaashii ka socday ay isaga baxaan deegaanada maamulkaasi, taasi oo hadda u muuqata inay dhaqan gashay.

Isla maalintaasi Madaxweyne Waare ayaa magacaabay 11 Xubnood kuwaasi oo ku howlan sidii ay go’aan uga qaadan lahaayeen hadalkii wasaaradda waxbarashada ee ku aadanaa in la joojiyay dhamaan imtixaanaadkii dugsiyada Sare.

Baraha Bulshda ayaa lagu faafiyey maadooyin ka mid ah Imtixaanka ay Sanadkaan qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya taas oo keentay in imtixaanka la joojiyo,waxaana ka dhashay banaanbax ay dhigeen qaar ka mid ah ardaydii laga joojiyay Imtixaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com