Kornayl Caare oo shuruudo adag ku xiray wada-hadal uu la galo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare ayaa la sheegaya in uu shuruudo adag ku xidhay in la soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya xukuumada Somaliland, isla markaan uu ogolaado wada-hadal midho dhala.

Waxgaradka iyo Odayaasha beelaha Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay isku soo jiid iyo waan-waan ka dhex wadeen Jabhada Kornayl Caare iyo Xukuumada Somaliland, midaasi oo muddo hakad galisay dagaalkii labada dhinac.

Suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo wafdi odayaala oo uu hogaaminayay ayaa shalay waxay kulan kula qaateen Buuraha gobolka Sanaag Hogaamiyaha Jabhadaasi Kornayl Caare, kuwaasi oo sii xoojinayay cadaadiska lagu saarayey Kornaylka in uu wada-hadal la furo xukuumada Madaxweyne Biixi.

Kornayl Caare ayaa lagu soo waramayaa in uu shuruudo dhowr ah hor-dhigay odayaashan u tagay, kuwaasi oo uu ku xiray in wada-hadal midho dhal ah la furo xukuumada Somaliland, isla markaana u noqota bilowga daminta colaadaasi.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayan in Kornayl Caare uu dalbaday lacag dhan 2-milyan oo dollar, taasi oo uu ku macneeyay inay tahay magdhowga hubka lagu qarameynayo ciidamada Jabhada, maadama sida uu sheegay ahaa hanti beelo laga soo ururiyay.

Si kastaba, Xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegtay in xiisada kala dhaxeysa Jabhada Kornayl Caare ay ku dhameyn doonto wada-hadal, midaasi oo suurta-galinaysa in dalabaadka Caare xukuumadu qalinka ku duugto.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com