Korneyl Doolaal oo maanta XABSIGA laga sii daayey

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta xabsiga Hargeysa laga sii daayey Korneyl Korneyl Jaamac Doolaal oo hore Maxkamadda Ciidamdada Millateriga Somaliland ay ugu riday xukun adag oo labo sanno ah, kadib xiriir uu la sameeyay mas’uuliyiinta dowlada federaalka.

Doolaal ayaa loo haystay inuu shaqsigaas oo uu kala hadlay dhanka telefoonka uu kala hadlay arrimo qoys, ayada oo maxkamadda meesha ka saartay in Korneylka uu ku kacay khiyaamo qaran iyo kacdoon ciidan, kadib markii ay maxkamaddu cadeyn kari weyday cod lagu sheegay sir oo ay kusoo eedeysay xeer ilaalinta ciidanka Somaliland.

Korneylka ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib markii uu muddo toddobaadyo ah ku xirnaa xabsiga Hargeysa, waxaana kiiskiisa oo ay maxkamadda millateriga xukuntay laga gaaray is-afgarad hoose, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Soo-deynta Doolaal ayaa sidoo kale imaneysa maalmo un kadib markii uu Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo ku hanjabay in haddii xukuumadda Muuse Biixi ay saddex maalin gudahood kusii deyn weydo Doolaal ay beeshiisu sameyn doonto arrin aan la mahdin.

Boqor Buurmadoow oo xiligaas luuqad adag kula hadlayey madaxda sarre ee xukuumadda Somaliland ayaa carabka ku adkeeyay haddii korneyl Doolaal dib loogu celin waayo xoriyadiisa ay ku dhaqaaqi doonaan arrin cawaaqib xumo dhalin karta.

Si kastaba, xukuumadda Somaliland ayaa inta badan xirta siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka ay ku tuhmeyso inay kasoo horjeedaan madax-banaanida ay ku doodo, ayada oo dood aan lugo badan ku taagneyn u adeegsata dacwadaha ay ku oogto shaqsiyaadka ay ku eedeynayso inay kasoo horjeedaan gooni-goosadkeeda.