Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, una badan kuwa mucaaradka ayaa maanta mooshin culus u gudbiyay guddoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada saxiixay mooshinkan ayaa gaaraya ilaa 41 mudane, sida ku cad, nuqul kamid ah moshinkooda oo ay aragtay Caasimada Online.
Mooshinka ayaa ku saabsan lacag gaareysa $46 milyan oo deyn ah oo dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Bankiga Horumarinta Midowga Yurub, taas oo lagu soo daray miisaaniyadda Qaranka ee maanta la ansixiyay.
“Mooshinku wuxuu ku saabsan yahay in miisaaniyadda dowladda ee 2026 dib loogu celiyo xukuumadda si dib u sixid loogu sameeyo iyadoo la waafajinaayo shuruudaha Dastuurka, sharciga maareynta guud iyo xeer hoosaad golaha isla markaana la tixgalinaayo mudnaanta kharashaadka dowladda”. ayaa lagu yiri warqadda.
Xildhibannada ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay deyn cusub oo ay rabto in haatan ay qaadato dowladdu, waxayna soo jeediyeen in dib loo dhigo.
“In si ku-meel gaar ah loo joojiyo, dib loogu dhigo deymo/amaah cusub dammaanado xukuumadeed iyo Demand Guarantees ilaa Baarlamaanka loo keeno qorshayaal/warbixinno iyo ogolaansho sharci”. ayaa mar kale lagu yiri.
Sidoo kale, waxay qoraalkooda ku sheegeen in loo baahan yahay in si deg-deg ah deynta looga saaro miisaaniyadda, lana sugo ilaa sanadka kale ee 2027-ka.
Waxaa kale oo ay dalbadeen “In miisaaniyadaha aan mudnaanta badan lahayn laga soo wareejiyo madaxyada ay ku qoran tahay iyo hay’adaa sida dheeriga ah loogu qoray laguna wareejiyo Ciidamada Qalabka Sida”.
Ugu dambeyn waxay xildhibaannada soo gudbiyay mooshinkan ay guddoonka Baarlamaanka ka dalbadeen inuu tixgeliyo soo jeedintooda, isla markaana dib loo celiyo miisaaniyadda dowladda ee maanta la ansixiyay, dibna loo soo saxo.


