Muqdisho(Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ee kala taageersan madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaare C/welli ayaa kulamo kala gooni gooni ah uga socdaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Kulamada oo ay ka dhacayaan Hoteelo kala duwan oo magaalada Muqdisho ku yaala ayaa waxaa ka qeyb galaya dhamaan xildhibaanada isku fikirka ah, waxaana koox walbaa ay qorsheynaysaa inay ka hadlaan waxyaabahooda u gaarka ah.
Xildhibaanada taageersan Ra’iisul wasaaraha ayaa kulan ku leh hotel ku yaala agagaarka Km4 ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inay ku tashanayaan sidii ay usii wadi lahaayeen qaska iyo fowdada baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada ugu badan ee taageersan madaxweynaha ayaa dhankoodana waxaa Muqdisho kaga socda kulan gaar ah oo ay kaga hadlayaan arimahii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan baajintii shirka baarlamaanka.
Waxaa sidoo kale la sheegay inay dhaliilsan yihiin gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo ay ku dhaliilayaan xakameyn la’aanta shirka baarlamaanka oo labo maalin u baaqday buuq xildhibaano qaar ay sameeyeen.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ula socda marka siyaasada sidan oo kale u qasanto, waxayna ka war sugaan hadba sida natiijada ay ku dhamaan doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

