Abu Dhabi (Caasimada Online) – Kulan uu soo agaasimay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, laguna qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi, ayaa Safiirrada dalalka IGAD si wadajir ah ugu soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Imaaraadka Carabta, Jamaal Bakar Cabdulle.
Kulanka soo-dhaweynta safiirka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Sierra Leone, oo ah Doyenka Safiirrada Afrika ee Abu Dhabi, Rashid Sesay, iyo safiirro kale oo ka socda dalalka Bariga Afrika ee aan ku jirin Ururka IGAD.
Kulankan ayaa muujinaya iskaashi, is-ixtiraam iyo midnimo diblomaasiyadeed oo u dhexeysa dalalka gobolka ee jooga Abu Dhabi.
Sidoo kale, kulankan ayaa, marka laga soo tago soo-dhaweynta safiirka, ahaa fursad lagu xoojinayay xiriirka diblomaasiyadeed, wada-shaqeynta, iyo mideynta mowqifka dalalka gobolka ee ku aaddan horumarinta danaha guud ee Bulshada Bariga Afrika.
Dhanka kale, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Maaliyadda, waxaana uu yahay shaqsi aqoon wanaagsan u leh diblomaasiyadda.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya

