27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Kulan xasaasi ah oo u socda Xasan Sheekh iyo Erdoğan + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimad Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa haatan kulan muhiim ah wuxuu uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Istanbul, iyaga oo la filayo inay soo saaraan go’aanno culus.

Villa Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in labada Madaxweyne ay kulankooda kaga arrinsanayaan, xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay kusoo xadgudubtay Israa’iil oo Jimcihii ku dhawaaqday inay dal u aqoonsatay Somaliland.

Sidoo kale waxaa kulan socda looga hadlayaa guulaha laga gaaray sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal, sida lagu caddeeyay bayaanka.

Inta uu socday kulanka wuxuu Madaxweynuhu is arkeen, isla markaan uu gacan qaaday taliyaha sirdoonka Turkiga iyo wasiirada arrimaha dibada iyo Shidaalka iyo batroolka oo qayb ka ah kulanka dhex-maraya labada waddan.

Waxaa kale oo la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdoğan ay qabtaan kulan Warbaahineed wadajir ah, iyaga oo uga hadlaya xaaladaha guud ee gobolka, xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Ankara ay qorshaynayso inay billowdo hawlgallada qodista badda Soomaaliya sannadka 2026, isagoo tilmaamay in xogta sahanku muujisay calaamado muujinaya jiritaanka khayraadka hydrocarbon-ka.

Si kastaba, ha’ahaatee, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey ballaariyey xiriirkooda, iyagoo xoojiyey iskaashi ku dhisan difaac iyo tamar, oo ay ku jirto sahamin badeed oo Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya. Turkiga ayaa horey u fuliyey howllo sahmin ah oo ka dhacay badda Soomaaliya, kuwaas oo lagu sameeyey heshiiska ay labada dal wada galeen.

Turkiga ayaa sidoo kale joogitaan weyn ku leh Soomaaliya tan iyo 2011, isagoo bixiya gargaar bani’aadannimo iyo iskaashi amni, oo ay ka mid tahay tababaridda ciidamada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Sawirrada:

- Advertisement -

Read more

Local News