27.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Kulankii BF ee maanta oo lagu kala tegay xilli la geeyay….

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa furmi waayay kadib kooram la’aan.

Xildhibaannada qaar oo soo xaadiray kulanka, balse buuxin waayay tiradii loo baahnaa ee Xildhibaannadu uu ku furmi lahaa kulanka, taas oo keentay in kulankii maanta lagu kala tago, uuna sidaas ku baaqdo.

Kulanka maanta ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in akhrinta koowaad la marsiiyo warbixinta sannadlaha ah ee xisaab xirka dowladda, sida uu sheegay Guddoomiyaha labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in fadhigii maanta uu u baaqdo kooram la’aan, isagoo xildhibaannada xasuusiyay in waajibaadkooda ugu weyn uu yahay ka qeyb-galka kulamada iyo gudashada shaqooyinka qaranka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Xildhibaannada aan soo xaadirin inay muujiyaan xilkasnimo, isla markaana si joogto ah uga soo qayb galaan kulamada Baarlamaanka si loo guda galo howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aanay habboonayn in xildhibaannada baarlamaanka ay ku maqnaadaan gobollada xilli shaqooyinka baarlamaanku socdaan.

Wuxuu tilmaamay in safarada gobollada loo ogol yahay oo keliya marka ay jiraan doorashooyin ama fasax rasmi ah.

Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta la filayay in xildhibaannada ka doodaan ajendayaal muhiim ah.

Xaaladda guud ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli buuq uu ka taagan yahay baarlamaanka, iyada oo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka weli la’isku hayo.

Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama weli laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News