26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Kulankii BF oo dib u furmay maanta – Maxaa ka cusub xiisadii ka dhalatay mooshinka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka baarlamaanta ayaa maanta dib u furmay, kadib baaqasho ku timid laba shir oo hore, sababo la xiriira kooram la’aan dhacday.

Kulanka maanta ayaa ku furmay jawi daggan, waxayna u muuqataa inay qabowday xiisaddii ka taagneyd baarlamaanka ee u dhexeysa guddoomiyaha iyo xildhibaannada, taas oo salka ku heysay mooshin xilka ay wadeen qaar kamid ah xildhibaannada.

Waxaa maanta golaha la horgeeyay heshiis lagu dhisayo Urur Goboleedka IGAD, waxaana golaha hortagay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo heshiiska u akhriyay mudanayaasha baarlamaanka.

Sidoo kale, xildhibaannada aya wasiirka su’aallo ka waydiiyay heshiiskan iyo faa’iidada ugu jirta dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo kamid ah xubnihii ka hadlay kulanka ayaa taageeray heshiiska, wuxuuna soo jeediyay inuu muhiim u yahay Soomaaliya, ayna haboon tahay in deg-deg loo ansixiyo.

“Waxaan joogay aasaaskii Urur Goboleedka IGAD waxaan soo jeedinayaa in wasiirka loo fududeeyo oo la ansixiyo heshiiska lagu dhisayo Urur Goboleedka Horumarinta (IGAD)” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaam Dhabancad.

Dhankeeda Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo horay xilal muhiim ah oo gobolka ah u tartantay ayaa ka hortimid qorshaha dowladda ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo guud ahaan heshiiska maanta la horgeeyay mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed yaan been loo sheegin qof kasta oo is sharaxo oo aysan dowladdan u baahnayn warqad ayaa ka dambaysa oo ay ku ceebaynayso” ayay iyaduna tiri Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir.

Doodda ayaa weli sii socota, waxayna xildhibaannadu aragtiyo kala duwan ka bixinayaan heshiiskan oo ka yimid xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda.

- Advertisement -

Read more

Local News