Kulankii Kheyre iyo Mursal oo is-afgarad ku idlaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal uu caawa kulan miro-dhalay ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay Wasaaradda Tacliinta Sare sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen, kadib markii labada dhinac is-aamini waayeen, oo midba midka kale uu diiday inuu xafiiskiisa yimaado, taasi oo dhalisay in meel dhexe la isugu yimaado. Wasaaradda Tacliinta sare ayaa ku taalla agagaarka Zoobe.

Si kastaba, kulanka ayaa la sheegay in labada mas’uul ay isku raaceen mabda’ ahaan in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka. Maalmaha soo socda ayaa laga hadli doonaa tallaabooyinka la qaadi lahaa ee xiisadda siyaasadeed lagu daminayo.

“Waxaan kuu sheegayaa inuusan dhici doonin dagaal siyaasadeed oo dambe. Laakiin ma bixin karo faah-faahin intaas dheer” ayuu yiri mas’uul kulanka goobjoog u ahaa oo la hadlay Caasimada Online, kaasi oo codsaday inaan la magacaabin.

Kulanka caawa ayaan waxaan qeyb ka ahayn xildhibaanada mooshinka keenay oo u badan xubnaha mucaaradka, mana cadda waxa laga yeeli doono iyo sida loo qancin doono.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in la helo faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan qodobada la isku afgartay.

Kheyre, ayaa maanta kasoo laabtay magaalada Doha ee dalka Qatar halkaasi oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay. Ma cadda haddii Qatar ay kaalin ku leedahay kulanka caawa, inkasta oo safarka Kheyre ee Qatar uu qorshaysnaa ka hor xiisadda siyaasadeed.

Sawirka kulanka caawa ee Kheyre iyo Mursal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com