Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa raadisay xogta horjoogaha Al-Shabaab ee Dowladda Soomaaliya ay dilkiisa shaacisay, kaas oo maanta ku geeriyooday degmada Ceelbuur, kadib dhaawac culus oo ka soo gaaray howlgal duqeyn ah oo ka dhacay aagga deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.
Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule) ayaa lagu magacaabi jiray ninkaas, wuxuu ahaa Abaanduulihii dagaal-gelinta ciidamada Al-Shabaab, wuxuuna hoggaamiyey weerarro badan oo lagu laayey ciidamada qaranka.
Weerarradii Galcad, Cawsweyne, Caad, Ceelahelay iyo Aadan-yabaal oo ciidan badan looga laayey dowladda ayuu hoggaaminayey horjoogaha la dilay, waxaana lala beegsaday duqeyn.
Ninkaas oo Al-Shabaab ku soo biiray waayihii la aas-aasay ayaa u dhashay beesha Duduble, wuxuuna la soo dagaalamay culimadii Ahlu-sunna, asalkiisii hore wuxuu ahaa mooryaan dadka dila oo isbaarooyin dhigta.
Wuxuu ahaa 47 jir ku dhashay Ceelgaras, 1-dii duhurnimo ee maanta ayuu geed hoostiis, duleedka Ceelbuur, isagoo kala go’an oo dhakhaatiirtu waxba ka qaba waayeen si silac ah ugu geeritooday.
Nuunuule waxaa la beegsaday isagoo hoggaaminaya maleeshiyaad gurmad ah oo ka baxay aagga Aadan-yabaal, una socday dagaal ka socday deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo geesiyaasha macawiisleyda iyo ciidamada qaranka ay jilibka dhigteen, kuna laayeen cadowga Khawaarijta ah.
Warbaahinta dowladda ayaa caawa baahisay muuqaalka gantaalkii lagu dhuftay Nuunuule iyo horjoogayaal kale oo geeriyooday iyo maleeshiyaad ay wateen, waxaa la xaqiijiyay in ilaa labo horjooge oo kale lagu dilay howlgalkaas, kuwaas oo kala ah:
2. Horjooge Caddaw oo masuul ka ahaa waxa ay Khawaarijtu ugu yeeraan “dabagalka” Jabhaddooda ee Galgaduud.
3. Macallin Cumar oo ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda Khawaarijta marin-habaabinta iyo tababarka maleeshiyaadka.
Tirada guud ee horjoogayaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalkaas ayaa hadda gaartay shan, kuwaas oo dhammaantood si toos ah ugu lug lahaa abaabuladii Khawaarijtu ka wadeen muddooyinkii dambe gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

