25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Kursigii uu ku guuleystay agaasime ku xigeenka madaxtooyada oo la baabi’iyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka ayaa go’aan ka gaaray kursiga beesha Absuge ee Waceysle iyo kan beesha Cali Gaad Wacaysle oo muran uu ka taagnaa.

Guddiga ayaa waxba kama jiraan ka dhigay natiijadii kasoo baxday doorashadii kursiga Cali Gaaf ee lagu doortay Cadaado.

Kursigan waxaa ku guuleystay agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim, laakiin qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Nabadoonka Beesha uu kursiga Cali Gaaf u asteeyay inay ku tartamaan haween.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ergada aan ahayn tii nabadoonka soo gudbiyay iyo natiijada doorashada dhacday ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna Guddigu caddeeyay in kursiga beesha Cali Gaaf ay ku tartamayaan haween.

Arrintan ayaa micnaheedu yahay in Kursiga ee uu ku guuleystay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Saadaq C/kariin la baabi’iyay isla markaana ay mar kale ku tartami doonaan haween oo kaliya.

Guddiga ayaa caddeeyey sidoo kale kale in kursiga beesha Absuge ay u tartami karaan ragga, taasi oo meesha ka saartay qorshihii qasabka ahaa ee madaxtooyada Soomaaliya oo ahaa in kursigan ay haweenka u tartamaan.

Madaxtooyada ayaa sidan u sameysay si kursiga beesha Cali Gaaf oo suldaanka Waceysle uu qoondeeyey inay haween u tartamaan loogu baddalo rag, taa beddelkeedan kan Absuge laga dhigo haween.

Si kastaba guddiga ayaa sheegay in sidii suldaanka uu go’aamiyey kursiga Absuge uu yahay mid ay rag u tartamayaan, taasi oo macanaheedu yahay in kursiga Saadaq uu meesha ka baxay.

Hoos ka aqri go’aanka guddiga.

absuge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News