Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Naasir Cige ayaa soo jeedin cusub sameeyay kadib wada-hadallada natiijo la’aanta kusoo idlaaday ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.
La-taliye Naasir ayaa soo jeediyay in aan waqti dambe lagu bixin wada-hadal lala yeesho Axmed Madoobe, balse ay xukuumadda u dhaqaaqdo dhismaha Jubbaland cusub.
“Waxaa qabaa in aan dib dambe loogu laaban wada-hadal, lana dardar-geliyo maamul cusub ‘New Jubaland’ la dhiso,” ayuu yiri La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Naasir Cige.
La-taliyaha ayaa ku dooday in Axmed Madoobe uusan fikirkiisa ku socon, balse uu fikir dalal shasheeye ku socda, sida uu hadalka u dhigay.
Soo jeedintan ayaa imaneysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu faro marnaan uga soo laabtay magaalada Kismaayo, maadaama ay weli labada dhinac ku kala taagan yihiin mowqifyadoodii hore.
Xasan Sheekh ayaa kahor inta aanu aadin Kismaayo qorshihiisa wuxuu ahaa in maamul uu ka garab dhiso Axmed Madoobe, laakiin waxaa qorshahaas kasoo hormaray ballanka wada-hadallada Madoobe iyo socdaalka Kismaayo.
Qoraal kooban oo ay Villa Soomaaliya soo saartay, lagana dhowray magaca Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu sii socon doonaan, laguna ballamay fadhi kale, si looga xal looga gaaro khilaafka taagan.
“Wada-hadalladii soo socday waxaa laga sameeyay horumar, iyada oo lagu ballamay wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskuugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi u socodka wadahadalka” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Villa Soomaaliya.
Madaxtooyadu ma shaacin hal qodob oo la’isku raacay, marka laga tego in ay sheegtay in horumar laga sameeyay wada-hadalladii shalay iyo maanta, laakiin waxaa xusid mudan in labada dhinac uu mid kasta ku adkeystay mowqofkiisa, taas oo keentay in la’isku mari waayay kulamadii qabsoomay.
Jubbaland ayaa dhankeeda qoraal lamid ah midka Villa Soomaaliya soo saartay, kaas oo laga ilaaliyay magaca Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in khilaafka lagu dhameeyo wada-hadal.
“Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro” ayaa lagu yiri qoraalka.