Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maamuud Sheekh Cali ayaa lagu soo warramayaa ‘inuu is-casilay’.
Ilo wareedyo xilkas ayaa innoo sheegay in Xuseen Macallin uu Madaxweynaha u gudbiyay is-casilaadiisa, oo timid xilli ay fadeexo wayn ka dhalatay markabkii hubka ee ay qabsatay Puntland, kaas oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu qabtay xeebaha bari ee maamulkaasi.
Lama oga sababta ka dambeysa is-casilaadda ninkan oo muddo dheer la shaqeeynayay Madaxweyne Xasan, waxaase lasoo wariyay inay la xiriirto xaaladaha taagan oo ay ugu horreeyaan amniga, siyaasadaha is-diidan ee sii laba kacleynayaa iyo fashilka hubka.
Wararka la helayo ayaa intaasi kusii daraya is-casilaada la-taliyaha amniga qaranka uu ka gows-adaygayo Xasan Sheekh, mana jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somalia, kuna aadan is-casilaada la-taliye Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali.
Ninkan dhalinyarada ah aya sidoo kale horay la-taliye amni ugu soo noqday Madaxweyne Farmaajo, inkastoo markii dambe uu iska casilay xilkaas oo dabadeed loo magacaabay Fahad Yaasiin.
Xuseen Macallin waxa uu door wayn oo muuqdo ka qaatay howlaha qaran ee amniga, isaga oo dadaal badan galiyay qaadistii cuna-qabateynta hubka, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku garab istaagay dagaalkii cuslaa ee uu la galay Itoobiya oo gaaray heerkii ugu xumaa.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa arrimaha doorashooyinka, sidoo kale waxaa taagan doodo amni, waxaana hadda ugu daran hubka u gacan galay Puntland iyo xiisadda goboka Gedo oo mar kale soo rogaa celisay, kadib markii ay dowladdu ciidamo gaysay gobolkaasi, ayna u magacowday Cabdirashiid Janan oo noqonayo taliyaha Nabad-sugidda ee Jubaland, si uu u fuliyo qorshaha Villa Somalia.