Muqdisho (Caasimada online) Gudoonka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa aqbalay la xisaabtatanka Maamulka iyo milkiilayaasha hotelada ku leh magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Si hey’adaha amnigu ay wax uga badalaan amniga Caasimada Somalia ee Muqdisho gaar ahaan goobaha hotelada ah ayay mudanyaal ka tirsan baarlamaanka Somalia oo tiro ahaan gaaraya ilaa 50 Mudane waxay soo jeediyeen inuu jiraa la xisaabtan ku aadan Maamulataasha hotelada Muqdisho.
Xildhibaan C/kariin Ciise Gurey, wuxuu ka mid yahay mudanayaasha soo jeedisay in ajandaha Baarlamaanka lagu daro la xisaabtanka Hay’adaha ammaanka iyo Maamulada Hoteelada, wuxuu sharaxaad ka bixiyay fadhiga Baarlamaanka, ee ka qabsoomay Xarunta Golaha Shacabka.
Wuxuu sheegay inaan la aqbali kareyn, in qarashaad badan looga cunteeyo, looguna seexdo Hoteelada Magaalada Muqdisho. Hadana inaanay suggi karin ammaanka shacabka, uu yahay wax aan la aqbali karin, sida uu yiri.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Hay’adaha ammaanka ee Dowladda, ay ku fashilmeen wax ka qabashada, weerarkii labaad ee ka dhacay Hotel Maka Al-mukarama. Haddii weerarkii 1-aad uu fashilmay, ayuu su’aal ka keenay waxa ay u xiri kari waayeen Xeendaabka Hotelka.
Mahad Cabdalla Cawad,Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka oo shir gudoominaayay fadhigaan, ayaa aqbalay soo jeedinta Xildhibaanada, ee ku aadan in Ajandaha Baarlamaanka lagu soo daro la xisaabtanka Hay’adaha ammaanka iyo Maamulada Hoteelada ku yaala Caasimada.
Sida la isku raacay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa bil kasta hal ama laba jeer u yeeri doona Maamulada Hoteelada, si ay wax uga weydiiyaan ammaanka Hoteeladooda. Haddii ay adeegsanayaan dad u badan qurbo joog.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho