25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

La-yaabka doorashada: Walaalo hal kursi ku loolamay maanta balse ay qabsatay arrin…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – La-yaabka doorashooyinka 2016 waxaa ka mid noqday dhacdooyinka loo diiwaan geliyay tartan laba musharax oo wada dhashay u galeen kursi ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Kursigan waxaa ku loolamay:

1 – Maxamed Xasan Aadan – Xildhibaan hore ugu fadhiyay

2 – Axmed Xasan Aadan – Xildhibaanka hore walaalkiis

3- Dr. Xuseen Cabdi Cilmi

4- Maxamed Cabdullaahi Axmed

screen-shot-2016-11-28-at-2-15-58-pmWareegii koowaad ee Doorashada ayay dhacday inuu ku haro xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo kursigiisa difaacan waayay, laakiin walaakiis ayaa isna ku haray wareeggii labaad, taasoo keentay inay isugu soo haraan labada musharax ee danbe oo wareeg saddexaad isla gaaray, waxaana ku guuleystey Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo helay 34 cod halka musharixii ku soo xigey Maxamed Cabdullaahi Axmed uu ka helay 16 cod.

Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayay magaalada Jowhar, waxayna noqotay doorasho xiiso leh iyo mid ka mida kuraasta sida weyn loogu tartamay ee la isla gaaray wareeg saddexaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News