Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf oo maanta la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in dalka Somalia uu xiligaani yahay mid lagu shaqeeyo sidii dalka uu ku jiro xaalad degdeg ah.
Gudoomiye Ilka xanaf wuxuu sheegay inaanay dadku isaga xirnaan karin xabsiyada iyo saldhigyada Ciidanka Dowladda Somalia, iyadoo aan dadka la horkeenin wax Maxkamad ah.
Ilka xanaf Wuxuu kale oo sheegey in marka xaaladda caadiga ah uu dalka ku jiro in ay gef tahay in dad badan la’iska soo qabqabto, kadibna la yiraahdo waa la kala saarsaarayaa.
Isagoo si caro leh arrintaasi uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Dadka ma xirnaan karaan wax ka badan muddo 48 saacadood ah, waa sharci daro inay dadka ku xirnaadaan xabsiyada iyo saldhigyada Ciidamada Dowladda.”
Sidoo kale, Gudoomiye Ilka xanaf Ilka Xanaf ayaa farta ku fiiqey in la’aanta maxkamadda badbaadaya iyo waliba nidaamkii hoose ee caddaalada ay taasi keentey in ay dhacaan xad gudubyo badan.
Dhanka kale, Ilka Xanaf, ayaa hadalkiisaan ku xoojinaaya hadal toddobaadkii hore ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Axmed Cali Daahir, kaasoo ku aadanaa in dad masaakiin ah ay xabsiyada Magaalada Muqdisho ku jiraan, muddo fog bilaa xukun Maxkamadeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]