25.8 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Laba baabuur oo xamuul qaraxyo ah oo la qabtay + Villa Somalia iyo Hotel Jazeera oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War deg deg ah oo goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay laba baabuur oo xamuul ah oo ay saarnaayeen dhowr tan oo qaraxyo ah oo la doonayey in magaalada Muqdisho lagu haligo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in baabuurtan lagu qabtay agagaarka Dayniile, xilli ay gudaha usoo galayeen magaalada.

Miinooyinka ayaa waxaa lagu soo qariyey qoryaha dabka laga shito oo mid ka mid ah baabuurta saarnaa, halka baabuurka kalena uu saarnaa balka xoolaha la siiyo oo miinooyinka la hoos-geliyey.

Laba qof oo kala waday baabuurka, ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay, ayada oo laga qaaday taleefonno laga ogaaday xog ku saabsan dadka la fulin lahaa weerarada oo hadda iyagana lagu raad joogo, kuna dhex dhuumanaya magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan loo maleynayo in la doonayey in laga fuliyo xarunta madaxtooyada ama hotel Al-Jazeera.

Hay’adaha amniga ayaa hadda wada baaritaano buuxa, waxaana la filayaa inay dhowaan soo saaraan macluumaad buuxa oo arrintan ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News