27 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Laba dal oo Afrikaan ah oo qaaday tallaabo ay Trump uga aargoosanayaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Bamako (Caasimada Online) – Dalalka Mali iyo Burkina Faso ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika ayaa qaaday tallaabo adag oo ay kaga jawaabayaan go’aan hore oo ka soo baxay Dowladda Maraykanka, kaas oo uu saxiixay Madaxweyne Donald Trump.

War rasmi ah oo ay soo saareen labada dal ayaa lagu sheegay in kaddib markii Maraykanku mamnuucay gelitaanka muwaadiniinta Mali iyo Burkina Faso, ay iyaguna go’aan la mid ah ka qaateen muwaadiniinta Maraykanka, iyagoo ka joojiyay inay dalalkooda soo galaan.

Mali iyo Burkina Faso ayaa noqday dalalkii ugu horreeyay ee tallaabo noocan ah qaada, iyagoo muujiyay inay ka falcelinayaan xayiraaddii lagu soo rogay muwaadiniintooda ee ku wajahnayd safarka Maraykanka, taas oo ku timid amarka Madaxweyne Trump.

Maamulka Trump ayaa dhowaan soo saaray amar xayiraad ah oo aan waqti loo cayimin, kaas oo lagu mamnuucay muwaadiniinta dalal badan, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, inay u safraan Maraykanka, isaga oo arrintaas ku sababeeyay arrimo kala duwan.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska bishii Janaayo, Trump wuxuu mudnaanta koowaad siiyay adkeynta socdaalka iyo xuduudaha, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, isla markaana xoojiyay diidmada magangalyo-doonka ee xuduudda Mexico.

Ballaarinta liiskan ayaa loo arkaa tallaabo sii hurineysa tallaabooyinka socdaalka ee maamulka Trump, gaar ahaan kaddib toogashadii bishii hore ka dhacday Washington D.C. ee lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard).

Baarayaasha ayaa sheegay in toogashadaas uu fuliyay nin u dhashay Afghanistan oo Mareykanka ku galay barnaamijka dib-u-dejinta sannadkii 2021—barnaamijkaas oo maamulka Trump ay ku tilmaameen mid aan lahayn baaris ku filan.

Maalmo kaddib toogashadaas, Trump wuxuu wacad ku maray inuu si “kumeel-gaar ah u hakiyo” socdaalka ka imaanaya dhammaan “Dalalka Dunia Saddexaad” (Third World Countries), inkastoo uusan si gaar ah u magacaabin dalalkaas ama uusan qeixin waxa uu ula jeedo erey-bixintaas.

- Advertisement -

Read more

Local News