Laba qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo loo geystay laba qof oo isku qoys ahaa, sida aan xogta ku helnay.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xalay ka dhacay xaafadda Suuq Liif, waxaa loo geystay Xuseen Cabaas iyo Cabdi Cismaan Cali oo ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumiinta oo hal goob wada fadhiyey, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof ee la dilay ayaa ahaayeen wiil iyo adeerkiis, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas meydadka kasoo qaaday halkaasi, kadibna heeyey CID-da, si baaris loogu sameeyey falkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online marxuumiinta la dilay ayaa shaqadooda waxa ay aheyd iibinta dhulka, mana cadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi xalay ka dhacday xaafadda Suuq Liif oo ka tirsan degmadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.