26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Laba warqad oo jahwareer ka abuuray Muqdisho & Odayaal qeyliyey (Sawirro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Odayaal Dhaqameedyo kasoo jeeda deegaanka Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay Dowladda in ay wax ka qabato Dhul danta guud ah oo ay dhisanayaan dad shaqsiyaad ah.

Odayaashaan oo manta shir isugu yimid ayaa waxa ay baaq udireen Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu sareeyaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxa ayna ka codsadeen in ay soo faragaliyaan Dhul la sheegay in uu yahay danta guud, gaar ahaan gaar ahaan jardiin ku yaalla isgoyska Falooransa oo ka tirsan Degmada Warta nabadda Ex Wardhiigley ee Gobalka Banaadir.

Xabiibo Ismaan oo leh booska ku dhagan Dhulka Banaan ee Jardiinada ah oo iyadana goobjoog eheed kulanka ayaa waxa ay tilmaantay in ay dacwad iyo cabashaba ugudbisay Dowlada hoose ee gobalka Banaadir kadibna lasoo siiyay warqad ay dowladda hoose ku amreeyso in aan ladhisan Karin guud ahaan dhulalka jardiinada ah ee kuyaala dhamaan dagmooyinka Gobalka Banaadir.

Si kastaba waxay sheegtay in ninkii boobka ku dhisananay dhulkaasi jardiinada ah isna lasoo siiyay warqad ruqso ah oo iyana kasoo baxday isla dowladda hoose markii ay isku dayday in ay is hortaagto howsha dhisidana la jirdilay dhaawacna loo geestay.

Sidoo kale Xabiibo ismaan waxa ay tibaaxday in iyadu ay xitaa diyaar u tahay in ay dhisto jardiinkaas maadaama uu ku dhaganyahay dulka ay iyadu dagantahay.

oday dh 1oday dh 2oday dh 3oday dh 4jar

- Advertisement -

Read more

Local News