Laba Weriye oo caawa lagu xiray Dhuusamareeb kadib muuqaal ay QOOR QOOR…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goordhow saldhigga booliska magaalada Dhuusamareeb lagu xiray laba  weriye oo kala ah Maxamed Cabdiwali Tooxow iyo Cabdullahi Warsame Rooble, kuwaas oo ka mid ahaa weriyaasha ugu firfircoon deegaanada Galmudug.

Wariyaashaan ayaa maanta iska soo duubay muuqaal ay ku soo bandhigeen in dil iyo xarig ay ugu hanjabeen xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Weriyaasha kale ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa xarigga labadan weriye ku macneeyey “maxaad u faafiseen dhaliisha Qoor Qoor iyo weerarrada kooxda Al-Shabaab ay ku heyso deegaanada Galmudug.”

Weriyaasha caawa la xiray ayaa dhawaan warbixino ka sameeyey amniga faraha kasii baxaya ee Galmudug iyo hadal ka soo yeeray madaxweyne Qoor Qoor oo ahaa, “Qofkii yiraahda Al-Shabaab ayaa deegaan hebel qabsaday, waxaan u aqoonsaneynaa Shabaab kale.”

Tan iyo markii Galmudug la geeyey Qoor Qoor, isla markaana awood meesha looga saaray maamulkii ka horeeyey iyo ururkii Ahlu-Sunna oo gobollada dhexe ka xoreeyey Al-Shabaab, waxaa jiha kasta deegaanada Galmudug culeys ka soo saaray Al-Shabaab.

Heerka dayacaada amniga deegaanada Galmudug ayaa gaartay in Al-Shabaab habeenkii ay boonada canshuurta ku jaraan laamiga xariiriya Dhuusamareeb iyo Gurceel, halkaas oo intii uusan Qoor Qoor qaban hoggaanka Galmudug aheyd meel aysan awoodin inay u soo jirsadaan 100-KM.

Hoos ka Daawo muuqaalka ay maanta iska duubeen labada Weriye