28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

2 haween oo MUQDISHO lagu toogtay caawa iyo galabta, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho maanta iyo caawa waxaa lagu toogtay labo dumar ah.

Mid ka mid haweenka waa ciidan, waxaana rag ku hubeysan bastoolado ay galabta ku toogteen gudaha Suuqa-Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Haweeneyda ciidanka ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nadiifo Wiilo, waxaana markii la toogtay goobta ka baxsaday kooxda falka geesatay, mana jirto cid loo soo qabtay.

Dhinaca kale, waxaa caawa xaafadda Xamar-Jadiid ee degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigleey) lagu toogtay haweeney makhaayad ku lahayd halkaas.

Sida ay lee yihiin goobjoogayaal, dableey bastoolada ku hubeysan ayaa dilay haweeneyda oo ku jirtay goobteeda shaqada, waxaana markii dilka uu dhacay goobta soo gaaray ciidamada ammaanka degmada, kuwaasoo baaritaan ka sameeyay halkaas.

Haweenyda ayaa la oran jiray Farxiyo Cabdi, waxaana la sheegay in laga toogtat maskaxda isla markaa goobta ayey ku dhimatay.

Ma cadda wax yaabaha loo dilay haweeneydan oo aan ka tirsaneen dowladda, balse waxaa la lee yahay Makhaayadeeda waxaa yimaada ciidamo kuwaasoo ku qayila halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FG: Fadlan barta macnaha LIKE, warkan oo kale ma mudna like, waayo waa dad geeriyooday, hadaad tahay aqriste warkan ha saarin LIKE, sababta warkan loo qoray kaliya waa in la ogaado xaaladda dalka ka jirta iyo wixii dhacay. Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News