Lafta Gareen oo abaabul ka bilaabay Waajid + Ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay ku hoyday degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa kulamo kala duwan ka bilaabay degmadaasi.

Lafta Gareen ayaa qaabilay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Waajid, isaga oo ka xog wareystay xaaladda nololeed ee degmadaasi oo go’doon ugu jirta Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulankan intii uu socday bulshada deegaanka kusoo bandhigeen baahiyahooda gaarka ah, si uu wax uga qabto maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo abaabul xoogan iyo qorshe ah sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmooyinka Bakool.

Waxa kale oo uu ugu baaqay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hotego weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi.

Lafta Gareen ayaa Waajid u tegay caleema saarka golaha deegaanka ee degmadaasi, isaga oo sidoo kale booqan doono xarumaha muhiimka ah ee magaalada.

Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro culus ka fuliya deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.