Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo tan maamulkiisa, kadib markii uu dhowaan soo gaaray gudah caasimada.
Madaxweyne Laftagareen ayaa maanta la kulmay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah, sida amniga iyo siyaasadda dalka.
Sidoo kale waxaa kulanka labada mas’uul lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii loo dardar-gelin lahaa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi.
Sidoo kale Laftagreen iyo Zenengaayaa iska xog-waraystay xaaladda amni ee deegaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, taageerada ay u baahan yihiin bulshada deegaanka iyo dadaallada socda ee lagu daadejinayo adeegyada dowladda.
Waxaa kale oo kulanka labada dhinac lagu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo dardar-geliyo mashaariicda horumarineed iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa Muqdisho u yimid ka qayb-galka gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo looga hadlayo xaaladaha ka jira dalka, sida doorashooyinka 2026 oo uu muran ka taagan yahay iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale haatan socda diyaar garowga shirkan oo la filayo inay ka qayb-galaan madaxdii hore ee dalka iyo kuwa mucaaradka, si looga soo saaro natiijo wax ku ool ah.
Dhanka kale, marka la dejiyo ajendaha gogosha, sidoo kalena la isla qaato dhinacyada mudan in lagu casuumo ayaa la iclaamo doonaa goorta la’isku imaanayo, sidoo kale waxaa jira safar dibadda ah oo soo galay Xasan Sheekh, balse markii uu soo laabo ayaa la guda geli doonaa furitaanka gogosha.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa taladooda ku biiriyay madaxda haatan shireysa oo ay ugu horreeyaan madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle oo iyagana soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Si kastaba, waxaa haatan kulamada bilowday ka maqan maamullada Jubbland iyo Puntlnad, mana cadda sida ay ka yeeli doonto dowladda federaalka oo uu haatan kala dhexeeyo khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka & wax ka beddalka dastuurka.