26.7 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xog: Laftagareen oo diiday dalab uga yimid Xasan Sheekh ka hor dhacdadii maanta

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaareen) ayaa lagu soo warramayaa go’aanka uu maanta ku diiday in xubnaha mucaaradka ku ah ay ku tegaan magaalada Baydhaba uu lasii wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo shuruud adag ku xiray.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ay hoggaaminayaan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta laga hor istaagay inay u duulaan Baydhaba, sababa la xiriira khilaafka siyaasadeed ee weli kala dhexeeya Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sababta xubnahan loogu diiday Koonfur Galbeed, waxaana qorshahooda uu ahaa in ay halkaasi ka bilaaban doorashooyinka qof iyo codka ee ay kula heshiiyeen Dowladda Federaalka.

Xildhibaan Cabdirashiid Jirre oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in Laftagareen uu si cad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh in xubnahaasi uu ogolaado Baydhaba, sababo la xiriira khilaafkooda oo weli sii taagan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Xasan Sheekh u shee in isaguna uu fasaxo mucaaradka kasoo horjeedo, si dibadbaxooda u qabsadaan.

“HSHM wuxuu yiri (Laftagareen siyaasiyiinta fasax oo Baydhabo ha tagaan) Laftagareena wuxuu yiri (warta-nabada ayaad siyaasiyiinta ku soo xabadeeysay, banaanbaxna u diiday ee marka hore kuwa kula jooga fasax” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Cabdirashiid Jirre.

Inkastoo weli maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka hadlin arrintan, haddana haddii ay sii socoto waxa ay muujinaysaa kala aragti duwanaanta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada taabacsan iyo inay isku raacsanayn hanaanka doorashooyinka socda.

Arrimahan ayaa imanaya xilli, Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.

- Advertisement -

Read more

Local News