Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta qaaday tallaabo uu kusii xoojinayo saameyntiisa gudaha ee deegaannada maamulkaasi.
Laftagareen oo hadda taageero xooggan ka haysta dadka Koonfur Galbeed, marka lo eego dhanka waxqabadka ayaa maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee laga hirgelinayo xarunta Madaxtooyada, si uu taageerayaashiisa u tuso shaqada socoto iyo horumarka maamulka.
Meelaha uu kormeeray ayaa waxaa qeyb ka ah mashruuca dib-u-habaynta iyo casriyeynta goobaha dowladda, gaar ahaan Aqalka Madaxtooyada ee Koonfur Galbeed Hirgelinayso, kuwaas oo loo dhisay qaab casri ah.
Sawirro laga soo qaaday dhismayaashan oo soo jiidasho leh ayaa Madaxtooyadu ku faafisay baraha bulshada, waxaana si weyn loogu ammaanka hoggaamiye Cabdicasiis Laftagareen.
Sidoo kale, intii uu socday kormeerka, Madaxweyne Laftagareen ayaa warbixin kooban ka dhageystay mas’uuliyiinta ku howlan dhismaha, kuwaas oo u faah-faahiyay heerka uu marayo dhismiyaasha hadda socda.
Intaasi kadib Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey dadaalka ay shirkadaha iyo shaqaalaha ay ku bixiyeen dhismayaasha cusub, isagoo xusay in mashruucani uu qeyb muhiim ah ka yahay qorshaha Dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha Dowladda iyo casriyeynta Xarumaha Dowliga ah ee muhiimka ah.
Tallaabadan ayay dad u badan u arkeen mid uu isku muujinayay Laftagareen, xilli maanta uu xubnaha mucaaradka u diiday inay tagaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Mucaaradka ayaa doonayay inay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ay ka bilaabaan halkaasi, gaar ahaan ololahooda ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay kula heshiiyeen Villa Somalia.
Horay wuxuu maamulka ugu guuleystay fulinta qorshayaal hormarineed iyo mashaariic waa wayn oo laga hirgaliyay Baydhaba, kuwaas oo uu taageerada badan ku helay Madaxweynuhu.