Guriceel (Caasimada Online) – Saraakiisha Ahlu sunna ee dhawaan qabsaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa soo saaray hadal culus oo ku aadan inaan markale la weerari karin degmadaasi.
Mid kamid ah saraakiishii horkaceysay dagaalkii lagu qaaday degmada Guriceel ayaa sheegay in amarkooda looga talin doono degmada Guriceel ayna adkeyn doonaan amaanka degmadaasi.
Sheikh Xuseen Salaad, oo kamid ah saraakiishii Ahlu sunna ee hogaamineysay weerarkii ay kula wareegeen degmada Guriceel ayaa sheegay in degmada uusan dhiig dambe uusan ku daadan doonin ayna iska difaacayaan weerar kasta oo kaga yimaada dhanka dowlada.
“QOf kasta ayaa ka warqabo inaan anaga in badan nabada u taagneyn, madaxda dowlada Soomaaliya ayaa ka warheyso, cidda ku dhiirato inay markale nasoo weeraraan waxaan cadeynaynaa inaan iska difaaceyno, anaga ayaa amarkeena looga dhaqmayaa halkaan”ayuu yiri Sheikh Xuseen Salaad.
Wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi inay la shaqeeyaan saraakiisha Ahlu sunna ee dhawaan qabsaday degmadaasi.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku sugan meel duleedka ka ah degmada Guriceel eegobolka Galgaduud, waxaana mar walbaa taagan baqdin la xiriirta in dagaalo kale ay degmada ka dhacaan.
Caasimada Online
Xafiiska Guriceel
[email protected]

