27.8 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

“Lagama yaabo in MOOSHINKA C/Weli aan ka laabanno” Sidaas waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Xildhibaanada BF Somalia isku Khilaafsan yihiin xal ka gaarista Khilaafaadka u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa goor dhow arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Tahliil Cabdi.

Xildhibaan Tahliil Cabdi waxa uu sheegay inuusan aaminsaneyn in meesha ay yaalan arrimo leysku Khilaafo, ayna muuqato halka uu khilaafka ka imaaday.

Xil. Tahliil Cabdi ayaa caddeeyey in Mooshinka laga soo gudbiyay Xukumadda uu yahay mid Sharci ah islamarkaana ay sugayaan dhaqan galkiisa kadib markii la horgeeyo Baarlamaanka.

“Anaga waxan dhowreynaa sharciga waxaana ka war sugeynaa in naloo fasaxo Mooshinada aan u gudbinay Gudoonka Baarlamaanka”

Sidoo kale, Xildhibaan Tahliil Cabdi waxa uu ku nuux-nuuxsaday inaysan marnaba ka laaban doonin go’aanka ay Mooshinka uga soo gudbiyeen R/W C/weli Sheekh sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Xildhibaan Tahliil Cabdi ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili uu Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari sheegay in Xildhibanada wada Mooshinka ay isla Afgarteen in la joojiyo oo Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay Xalinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News