LIVE: Maxkamadda ICJ oo go’aamineysa kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Hague (Caasimada Online) – Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa goor dhow si rasmi ah u billowday kulanka ay ugu dhowaaqeyso go’aankeeda kama dambeysta ah ee dacwadda badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay dowladda Kenya.

Waxaa haatan xarunta maxkamadda oo ku taalla Hague ku sugan wafdi ka socda Soomaaliya oo uu horkayaco ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar).

Soomaaliya ayaa aad ugu rajo weyn inay ku guuleysato dacwaddan, ayada oo dowladda Kenya ay horey u sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda.

Dooda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilaabatay bishii August ee 2014-kii, xilligaas oo ay dowladdii Xasan Sheekh ICJ u gudbisay dacwadda kala dhexeysa Kenya.

Hoos ka daawo go’aanka Maxkamadda