Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga Caddaaladda ee ICJ, ayaa lagu wadaa in goordhow ay ku dhawaaqdo go’aanka ay ka gaartay diidmada horudhaca ah ee Kenya ee ku saabsan dacwadda Badda Soomaaliya.
Maxkamadda Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa waxaa ku sugan Wafdi uu Hogaaminaayo Xeer Ialaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Dr. Cali Faqi oo isagu ah wakiilka Soomaaliya ee dacwadda.
Wafdiga ayaa waxaa wehlinaaya Danjirayaal dhowr ah iyo Muna Sharmaan oo ah Qareen Soomaaliyeed oo dacwaddan billowgeedii ilaa iyo hadda gacanta ku haysa sumcadna uga kasbatay Soomaali badan.
Haddaba toos u daawo go’aanka maxkamadda ay ku dhawaaqeyso
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]