Farqiga madaxda sare ee ILMO XOOGSADE IYO ILMO XUKUN KU NOOL iyo taageerayaashooda.
Madaxweyne-yaashii soo maray Somalia laga soo billaabo 1960ki ayaa ILMO XOOGSADE ka ahaayeen saddex meelood laba meel (2/3),
ayagoo dhammaantood xilka ku wareejiyay si nabad ah oo uusan dhiig ku daadan, halka ILMO XUKUN KU NOOL ahaayeen (1/3), saddex meelood meel madaxweyne-yaashii dalka soo maray.
In ka badan 99%, madaxweyne yaasha ILMO XOOGSADE ayaa loo yeelay cillado iyo magac dil kala duwan, amaba ahaayeen waxa lagu xanto haba u badnaadeen urur diimeedyo, halka ILMO XUKUN KU NOOL madaxweyne yaashooda lagu sheego in ay yihiin wadaniyiin geesiyaal ah.
ILMO XOOGSADE madaxdooda oo inta badan lagu tilmaamo in aysan isku kalsooneen ayaa ka carara kuwa wax tarka leh ee ILMO XOOGSADE taasoo ka dhigta dool, laguna fashiliyo shirarka guud kadibna sabab u noqota in ILMO XOOGSADE naceyb u qaadaan madaxdooda kadibna ka shaqeeya sidii ay u ridi lahaayeen maadaama aysan ka dhaxeyn dan guud iyo wax wanaag ah. ILMO XOOGSADE ma aha kuwo ku mideysan dantooda guud iyo tan qaran toona.
ILMO XUKUN KU NOOL iyo taageerayaashooda waxaa ka dhexeeya dan guud oo ay ku mideysan yihiin ayagoo isqadariya aadna isu dhageysta marka laga reebo shaqsiyaas kooban oo khilaaf ka dhexeeya.
ILMO XUKUN KU NOOL ayaa leh ururro ka shaqeeya dantooda guud ayna aqoonsan yihiin beesha caalamka iyo mas’uukiyiintooda sare oo qaarkood xubno ka yihiin. Ururadaasi ayaa waxtar kooda ka muuqdaa dibadda iyo gudaha dalka gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo horumarinta degaanno badan.
ILMO XOOGSADE oo aan lahayn ururro ay aqoonsan yihiin madaxdooda ayaa loo arkaa in ay khatar (threat) ku yihiin dad kale haddii ay sameystaan urur ka shaqeynaayo danta guud ee ILMO XOOGSADE iyo tan QARANKA taasoo abuurta in aqoon yahaniinta iyo siyaasiyiinta ILMO XOOGSADE ka fogaadaan ama ka baqaan in ay ka qeyb qaataan ururkaas xitaa hadduu ka shaqeynaayo danta guud ee qaranka.
Wanaag kasta uu lee yahay urur ay sameeyaan ILMO XOOGSADE waxaa loogu yeeraa XOOGSADE ACTION GROUP si dadka loo tuso in uu ururkaas yahay urur dagaal.
Madaxda ILMO XOOGSADE ayaa ceeb u arka in ay la kulmaan ama ka mid noqdaan urur ay sameeyeen ILMO XOOGSADE in kastoo ay ku faraxsan yihiin in ay ka qeyb galaan shirarka famil hoosaadkooda ayadoo loo tusay in magaca guud ee ILMO XOOGSADE yahay dambiile yaal laga cararo, halka madaxda ILMO XUKUN KU NOOL ay sharaf u arkaan tala siinta ama tala ka qaadashada ururada ay sameeyaan ILMO XUKUN KU NOOL.
Abdirahman Moalin (FAAX)
F.G: QORAALKAN MA AHA MID CAADIFAD QABIIL EE WAA XAALADDA JIRA
La soco qeybta dambe…
Qore: Abdirahman Moalim (FAAX)
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]