Dad badan baa ka Hadley arrinta Taliyaha gacanta loo geliyey dawladda Itoobiya. Dad baa ku doodaya dadka Soomaali galbeed waa Itoobiyaan oo sharci ahaan innagu shaqo kuma lihin, sida aynaan shaqo ugu lahayn Soomaalida Jabuuti iyo Kenya. Haddaba, intaan dood kale la gelin waxaa jirta arrin muhiim ah oo la hilmaamey oo ka mid ahayd halgankii SYL iyo dawladii Aaden Cadde. Soomaalida Galbeedku way ka duwan yihiin Kuwa Kiiniya iyo jabuuti, sababtoo ah Itoobiya Xuduud la aqoonsan yahay lama lihiin laga billabo doolow ilaa Qori-Rid oo Garoowe agteeda ah.
In xuduuddan la calaamadin waayo, oo ay heer caalami gaarto waxay ahayd guul weyn oo u soo hoyatey halgankii gobanimada Soomaalida. Mana ahayn wax cayaar ku yimi. Waxay ku timi halgan iyo dadaal xoog badan oo tan iyo lixdankii iyo ka hor socdey oo dad badan u geeryoodeen ama jeelasha Itoobiya cimrigooda ku laasteen.
Xuduudan waxay qaramada midoobey ka qoran tahay mid la isku haysto oo dacwadeedu taagan tahay tan iyo 60kii. Sidaas darted Soomaalida galbeedku sharci ahaan maaha Itoobiyaan oo ma jirto xudduud caalami ah oo ay xagga shishe ka marsan yihiin, sida Soomaalida Kenya iyo Kuwa Jabuuti. Fiiri Sawirka hoose:
Xarriiqda googo’an waxay sheegaysaa xuduud aan rasmi ahayn oo la isku haysto. Xuduudda Kenya iyadu waa mid is haysa oo rasmi ah. Markaa dadka dhulkaa deggan oo lagu sheego Itoobiyaan waxay ka dhigan tahay hiil iyo marqaati loo furo maamulka Xabashida iyo iyadoo laga soo horjeesto wixii Soomaalidii hore aaminsanaayeen iyo halgankii gobanimo-doonka.
W/Q: Jaamac Saleebaan
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.