Ma soo laabatay awooddii hay’adda sirdoonka ee NISA?

Hay’adda sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka Soomaaliya ee “NISA” waxa ay soo martay burbur baahsan oo gaadhay heer la waayo magacii ay lahayd iyo weliba goobtii ay ku shaqaynjirtay xilligii ka hor burburkii soomaaliya, waxaa meesha ka baxay dhammaan farsamooyinkii  shaqo iyo middii khibraddeed ee hay’addu lahayd, waxaa meesha ka baxay dhammaan wax kasta oo u eekaa hay’ad sirdoon.

Hay’adda sirdoonku waxay noqotay wixii uugu horreeyay oo burburay burburkii soomaaliya, waxaa fiigay oo cararay dhammaan saraakiishii khibradda durugsan u lahaa arrimaha sirdoonka maaddaama ay ahayeen meelaha uugu muhiimsan ee indhaha lugu hayay taas oo ay in badan dadku aamminsanaayeen in ay ahayd hoygii laga soo guntay waxkasta oo ay xilligaas tabanayeen kuwii markaas dalka burburintiisa u soo guntaday.

Soo laabashadii nidaamyadii u eekaa dawlad curdin ah waxa ay wateen magac iyo muuqaal loo eekaysiiyay hay’ad sirdoon, taas oo ah hay’adda hadda hawlgasha ee NISA.

Sannadihii soo laabashada horumarka soomaaliya waxaa iyana dhinac ka soo laabanayay maqaamkii sirdoon ee NISA, waxaa soomaray dhawr sarkaal oo midba meel keenay, markhaantina aan ka ahay in ay dhammaantood wax wanaagsan ka qabteen dhismaha hay’adda.

Waxaa jira dhowr sarkaal oo si fiican hay’adda meelo u keenay kana dhigay meel lugu soo hirto niyadna loo hayo soo gelisteeda, sameeyay nidaam hay’addeed, waloow ugu dambayntii raggaas aan xilka fursad loo sii siin.

Raggaas waxaa ka mid ahaa Gen. Cabdiraxmaan Tuuryare oo ahaa nin dhalinyaro ah waxna ku soo bartay dalka dibaddiisa, inta uu hayay xilkaas waxa ay hay’addu noqotay mid soo laabata, samaysana dhammaan tallaabooyinkii looga baahnaa ee sirdoon Amni-qaran, balse muddo kadib nidaamka is-bedelka soomaaliya oo ah mid markasta la fisho ayaan u saamaxin sii wadista shaqadii hay’adda.

Kaaca-kufka hay’addu soomartay iyo Qof-qof ku bedelkiiba dhammaan sarakiishii soomaray waxay ahayeen kuwo qabtay wax la taabankaro, waxay ku soo shaqeeyeen duurufo iyo wacyi la jaan-qaadayay wakhtigii cakirnaa.

Iimaanshiyihii dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne farmaajo waxaad mooddaa in ay xoogga iska saartay laamaha amniga ee soomaaliya, iyada oo dhistay ciidan la taabankaro iyo weliba dib u habayn ku socota hay’adda sirdoonka ee NISA.

Imaanshiyaha Fahad Yaasiin ayaa iyana wax ka bedeshay shaqadii sirdoon ee socotay, waxaa meesha ka baxay dhammaan raggii la aqoonsanaa ku jiritaankooda NISA iyo dhammaan ciidankii hubaysnaa ee ku howl-gelijiray magaca Sirdoonka.

Waxaa hadda is-bedel wanaagsan ka muuqdaa hay’adda sirdoonka iyada oo ay meesha ka maqanyihiin qof aad u aqoonsanaysaa in uu yahay saaxiibka, waana hannaanka sirdoon ee ay ku hawl-galaan dhammaan sirdoonka caalam, waana tallabada muujinaysa in ay jirto soo laabasho ku yimi hannaankii sirdoon ee uu waddanku lahaanjiray.

Aqoonsiyo la’aanta hawl-wadeennada sirdoonku waa kuwa sahlaya in la gaadho guulo badan oo amni iyo in la helo xogihii saxda ahaa ee loo baahnaa, tanna waa mid ay ka markhaanti kaceen dhammaan bulshada ku sugan deegannada ay ka hawl-gasho hay’adda NISA.

Si loo helo bulsho ku nool waddan amni ah iyo waddan qurxoon waa in la dhiirigeliya lana dhisaa hay’adaha amniga qaranka, soo laabashada hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka soomaliya waa natiijo dhaxal ah oo bulshadu u baahnayd, waana rajaynayaa in ay halkaas hore uuga sii socoto ilaa laga gaadho, heerka sirdoonnada caalamka iyo amni sugayaasha uu waddan leeyahay.

Si loo gaadho natiijada hay’addii awoodda lahayd waa in dib loogu yeedha dhammaan saraakiishii Nabad-sugidda burburkii ka hor iyo ka dibba.

Halka ay joogto hay’addu hadda waa natiijo qurxoon oo loo baahnaa.

W/Q: Cumar Rodol 
Cumarrodol@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid