Maalmihii Farmaajo ee hoggaanka Somalia iyo diblomaasiyada dibedda

Madaxweyne Farmaajo, magac ahaan horey looma aqoon. si fudud oo kadis ah ayuu ku soo galay Siyaasada Soomaaliya. waxuu noqday Wasiirkii Koowaad ee Dowladdi Shiikh Shariif (KM). Shiikh Shariif waxuu sheegaa in Farmaajo uu asaga soo helay, haddana uu sameeyay Siyaasad ahaan & magacba, laakin taas mid ka duwan, Farmaajo Booska loo dhiibay ayuu magac & Sumacd ka raadiyay. Waxuuna helay kalsooni Bulsho, oo loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya 2017-2020.

Wasiirka Arimaha Dibada ee British wuu soo dhaweeyay Doorashada Farmaajo, waxuuna sheegay in uu Booqasho ku tagayo Soomaaliya. Mr:Johnson, wuu ka dhabeeyay wacadkiisi. Muqdisho ayuu yimid 15-March. Sidoo kale wafuud heer caalami ah, ayaa ayaguna soo gaaray Caasimada. arintan waxay si kale u dhigtay daneynta caaalamka ee Qaranimada Soomaaliya, horey ha u jirto, laakiin kolkan waxaa dheer in Soomaali ruuxooda lagala tashanyo arimaha Soomaaliya.

Shirki London, ha ahaado mid dhameystir u ah shirar horey loo qabtay, sidaa ay tahayna waxaa ka muuqday in Siyaasada arimaha Dibada Soomaaliya waju cusub u furmay. Dowladda Ingiriiska danaheeda ka sokoow, waxey gooroowsatay in ay Soomaaliya si toos ah u taageerto, ayadoon u soo marin wadamo kale ama hey,ado Dowli ah (AU, IGAD).

Madaxweynaha Kenya, kolki uu ka duulayay Garoonka Nairobi, waxuu sheegay in ciidamadiisu ay Soomaaliya sii joogi doonaan. ogooow waxuu ku jeedaa Shir looga hadlayo masiirka Soomaaliya, si gaar ah dib u dhiska Ciidaanka Qaran. Jawaabta Uhurru ma ahan laab guux hadaaq ah, ee waa fariin uu u dirayo Madaxda Shirka London soo abaabushay, si ajandayaasha qaar loooga xishoodo ama asaga loo beer nuglaado.

Musaveni asagu goobta shirka ayuu kaga dhawaajiyay in Ciidamada AMISSOM ay dhaqaale & taageero u baahan yihiin, laaakiiin Madaxweyne Farmaajo waa ka duwaanaa, waxuu miiiska la fadhiyay qorshe Ciidan Qaran loogu sameynayo Soomaaliya. waxuuna hadalkiisa u badnaa in Soomaaliya ay iskeed u istaagto, iskeedna isku maamusho. arintaa oo la dhihi karo waa dhawaaq dhibaya Madaxda Dowladaha deriska, waana talaabo loo qiimeyn karo madaxweyne Farmaaajo Maalmaha yar uu madaxtooyada joogay.

Diblomaasiyada Soomaaliya waa midda ugu muhiimsan ee laga akhrin karo dadaalka Madaxweyne cusub & maalmihiisa hore ee Madaxtooyada. xariirka Soomaaliya ee Dowladadah deriska waa ka duwanaa midka Diblomaasi ee casrigan la yaqaan. awoodda Ciidan ee ay dalka ku leeyihiin & is diidka madaxda Soomaali ayaa Diblomaasiyadooda u badashay talo bixin mararka qaar gaarsiisan amaro ay siinayaan Madaxda Dalka, heer Gobol & mid Federaalba.

Muuqaalka laga arkay Farmaajo taa waa ka duwanaa. Fariinta laga maqlay ee ah muhiimada Ciidan Qaran, waxey abuurtay dareeen shaki oo saaqa Madaxda Dowladdaha deriska ah.waxeyna digtooni galisay farao galenitii hore ay Dalka ku hayeen, taa oo laga fahmay Booqasho la,aanta Madaxda Dowladadah deriska & xataa Daahida uu Madaxweyne Farmaajo ka daahay in uu Adiss iska soo qoro.

Safarki Adiss ee Madaxweyne waxuu yimid goor dambe, haddana waxuu muujiyay waji cusub oo Diblomaasiyada Soomaaliya & Itoobiya ah. Waxaa la wada gartay in aan laga maarmeeyn wada nolaansho & is ixitraam. waxayna labada hoggamiye si mideysanyna u dhaleeceeyay faro galinta & Diblomaasiyada awoodda ku taagan. sheekadan & mid la mid ah toona lagama maqal intii booqasho ee dhexmartay madaxda labada Dal, laga soo bilaabo 2004-2016. Waa hubaal in arintan aan ku biirin karno miisaanka wax qabad ee Diblomaasiyada Madaxweyne Farmaajo Boqolkiisa maalin ee Madaxtooyada.

FG: Maqaalku waxuu xoogga saaray qiimeynta Diblomaasiyada. arimaha gudaha waxaan u daayay asxaabta & akhristayaasha sharfta leh.

W/Q: Mahdi Muse
mahdimuse@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismayao
Caasimada@live.com