27.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Maamul-goboleedkii ugu horreeyay oo ka horyimid tallaabada DF ku beegsatay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa noqotay ciddii ugu horreysay ee ka hortimid go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ee lagu beegsaday beesha caalamka, gaar ahaan C6+, iyada oo Villa Somalia ay dalbaday in la kala diro kooxdan.

Wasiiru dowladaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur oo qoraal kooban soo saaray ayaa tilmaamay in kooxda Villa Somalia uu ku dhacay maskax guur, isla-markaana go’aanka kasoo baxay uu yahay mid aan laga fiirsan, kana tarjumeyn xaaladda dhabta ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii aysan dowladda dhexe ka joogsan waddadan ay keeni doonto in la’isla galo gacmaha oo ay timaado farogelin, si dalka looga bad-baadiyo.

“Ma Shiri kartaan oo heer caalami ah ! Waraaqdan HSM qoray waxay marag u tahay in Villa Somalia wareertay oo maskax guur ku dhacay cida maanta taladda u haysa Somalia. Hadaan taladda Dhulka la dhigin Gaal iyo Muslim ba gacmahay kaa qabanayaan si dalkan laaga badbaadsho” ayuu yiri yri wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Puntland.

Dowladda Federaalka oo xalay qoraal soo saartay ayaa go’aankeeda u sababeysay in kooxda C6+ ay duugowday, ayna la jaan-qaadi karin heerka siyaasadeed iyo hay’adeed oo uu maanta marayo dalka.

“Joogteynta C6+ sida aalad lagu hago siyaasadda dibadda waa mid duugoobay oo caqabad ku ah horumarka,” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Balcad oo warqad rasmi ah u diray wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya James Swan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in madashan oo laga hirgeliyay xilli uu dalku ku jiray xaalad nugul, ay wax u dhimayso madax-bannaanida Soomaaliya isla markaana muujinayso in dalka weli la kontoroolo.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan wixii ka dambeeya aanay kooxda C6+ farogelin karin arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan Soomaaliya ay dooneyso in ay dib u hanato doorkeeda caalamiga ah iyo in ay si buuxda ula wareegto hagidda siyaasadda iyo amniga gudaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana horay u taagnaa khilaaf dhinaca doorashada ah oo u dhexeeya dowladda federaalka, Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo gaaray heerkii ugu sarreeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News